shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Raxmaadkii EEBE oo dul hoganaya Degmooyinka Ceegaag iyo Horufadhi.

 

(Ceegaag, April 27,  2010 Ceegaag Online)

Wararka soo gaadhaya warqabadka Ceegaag Online ee magaalada Buuhoodle ayaa waxay sheegayaan in  deegaamo katirsan gobolka Cayn gaar ahaan Magaalooyinka Ceegaag iyo Horufadhi  uu si rasmi ah uhayo wakhtigan xaadirka ah roobkii gu'ga ee dhawaanahanba la sugayey.

Hadaba duqa degmadaasi Ceegaag Cabdi Xaaji Cali (Cabdi riigle) ayaa noo xaqiijiyay in 100% ay buuxsameen  meelihii biyo qabatinka ahaa iyo weliba baraagihii dhamaantood, isagoo intaas kudaray in biyihii ka soo rogmaday buuraleyda Ceegaag ay buux dhaafiyeen balliyadii, laasaskii iyo baraagihii Magaalada Ceegaag.

Sidoo kale deegaanka Horufadhi ee gobolka Cayn oo degmada Ceegaag ujirta  qiyaastii 15KM  ayaa Roobab lagu diirsaday ay ka da’een xili ay jireen abaaro aad u daran isagoo ceelkii Horufadhi uu gabaabsi ahaa.

Alxusayni Zuhani

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com