shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

    Qarax miino oo ka dhacay deegaanka Maygaagle

 

(Buuhoodle,  April 14,  2011 Ceegaag Online)

 
 
Qarax miino oo aad ubalaaran ayaa ka dhacay deegaanada Meygaagle iyo Hagoogane Ee gobolka Cayn waxaana ku wax yeeloobay  wiil yar oo 12 sano jir ah kaa soo ah dhaawac aad udaran,    iyadoo ay googo'een dhamaan xubnaha jirkiisu.
 
Dhibanahan ayaa hawl wadeenada caafimaadku la tacaalayaan,  maaha markii ugu horeysay ee uu qarax noocaanoo kale ah  ka dhoco Deegaanadan oo is herdi dagaal oo xoog lihi ku dhex martay dadka deegaanka iyo maamulka Somaliland.
 
Bishii hore{march}  ayay  ahayd  markii uu qori baasuuke ahi  ku qarxay 4nin oo kamid ahaa ciidanka reer Buuhoodle ee halkaas ku sugan iyadoo  laba ka mid ahi ku naf waayeen isla goobtaas.
Waxaa isa soo taraya qaraxyada iyo waxyeelada shacabka reer Buuhoodle ka soo gaaraysa rasaasta aan  Qarxin ee laysku adeegsaday dagaalkii kalshaale.
 
 
 Digniin ha daawan sawirada Hadii aad uurleedahay ama aad qalbi jilicsan tahay
 
 
 Ceegaag online
BY:Al xusayni Zuhani
       Buuhoodle


 

                                                                              

webmaster@ceegaag.com