shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxweyne Shariif Sh. Axmed oo Xadhiga kajaray TV-ga Qaranka Soomaaliyeed.

 

(Muqdisho,  April 05,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sharif. Sheekh Axmed ayaa xariga ka jiray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kadib.

Munasabaddan oo ka dhacday xarunta Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya waxaa Madaxweyne Shariif Sh. Axmed ku soo dhaweeyey Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikariim Xassan Jaamac oo ku guuleystay innuu hawada dib ugu soo celiyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed.

                   

Waxaa sidoo kale ka soo qayb galay xafladaan Ra’iisul Wasaaraha Ku xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Cabdixakiim Xaaji Fiqi, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax.

                 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sariif Sh. Axmed ayaa u hambalyeeyay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta iyo dhamaan shaqaalaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed. Madaxweyne Shariif ayaa barta ay xafladu ka dhaceeysay ugu hambalyeeyay Radio Muqdishu. Waxaana uu kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada, si ay horumar ugu horseedaan ummada Soomaaliyeed .

Malik Abdalla

Agaasimaha Warfaafinta

Xafiiska Madaxweynaha

Muqdishu, Somalia mabdalla@presidency.gov.so

                                                                              

webmaster@ceegaag.com