shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Madaxweyne Ismail Omar Geeleh oo markii 3aad ku guuleystay madaxtinimada Dalka Jabuuti.

 

(Djabuuti,  April 09,  2011 Ceegaag Online)

 

 

Wasaarada Arrimaha gudaha ee dalka jamhuuriyada Jabuuti ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday natiijada doorashada madaxtinimo ee shalay ka dhacday dalka Jabuuti, iyadoo markii 3aad xilka Madaxtinimada dalkaas loo doortay Madaxweyne Ismaaciil Omar Geelle.

Madaxweyne Ismaaciil ayaa aqlabiyad aad u ballaaran kaga guuleystay musharaxa la tartamaya, isagoo helay codad 76%, sida uu ka dhawaajiyay Sarkaal u hadlay Wasaarada Arrimaha gudaha, Musharaxa la tartamayay ee madax banaan Maxamed Warsame Raagge ayaa isna la sheegay inuu helay codad dhan 23%, cododkii la tiriyay. Golaha Dastuuriga ah ayaa la filayaa in ugu dambeyn ay ku dhowaaqdo sharci ahaanta natiijada doorashada.

 

 

Goor dhow ayaa la filayaa in Madaxweynaha Jabuuti uu ka hadlo doorashada, isla markaana shacabka dalka Jabuuti  u jeediyo khudbad uu uga mahad celinayo codbixiyaashii codkooda sida xorta ah ku dhiibtay.

 

dhinaca kale Musharaxa Mr. Raage ayaa ku gacan seyray natiijadaasi, Wareysi uu siiyay saxaafada  ayuu wuxuu ku cawday dhowr arrimood oo
kala ah in wakiiladiisa laga saaray goobaha codeynta iyo in saacad
sharci darro ah lagu kordhiyay wakhtiga doorashada la soo xiri lahaa.

Hase yeeshee guddoomiyaha guddiga kormeerayaasha doorashada Casoowe Idiris Casoowe ayaawarbaahinta  u sheegay in doorashadu ay u dhacday si caddaalad iyo xor ah, Saacadda lagu kordhiyeyna wuxuu tilmaamay inay ku timid baahi si dadku ay si nafis ah ugu codeeyaan.

 

Madaxweyne Ismaciil Omar Geelle ayaa 1999-kii xilka Madaxtinimo kala wareegay Madaxweynihii ugu horeeyay ee Dalka Jamhuuriyada Jabuuti  Xasan Guuleed Abtidoon.


www.ceegaag.com

                                                                                         

webmaster@ceegaag.com