shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa safar qorsheeysan ku gaaray xarunta dalka Tanzania ee DaaraSalaam.

 

(Daarasalaam,  April 16,  2011 Ceegaag Online)

Madaxweynaha ayaa waxaa si heer sare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha ee Julius Nyerere International Aiport Madaxweynaha dowladda Tansaaniya mudane Jakaya Mrisho Kikwete iyadoo halkaas loogu sameeyay munaasabad ay ka soo qeyb galeen wasiiro, Xildhibaano iyo dad weyne aad u faro badan.

Madaxweynaha ayaa waxaa loo tumay astaanta qaranka Soomaaliyeed, waxaana loo riday 21 madfac. Safarka madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay wasiirka Warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta mudane Cabdikareem Xassan Jaamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga mudane Axmed Cali Yaqle .


Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu la kulmay taliyaha ciidamada dalka Tanzania Gen. Davis Mwamunyange.Muhiimada kulankaan ayaa waxeey aheyd sidii amniga dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa, iyo sida kooxda argagixisada ee Alshabaab/Alqaacida iyo kuwa ay marin habaabiyeen dalka looga saari lahaa.


Sidoo kale xalay ayaa waxaa kulmay labada madaxweyne, waxayna ka arinsadeen habka Soomaaliya loo caawin lahaa iyo in xasilooni waarto ay ka dhalato. Kadibna waxeey qudbad kooban ka jeediyeen goobtii ay cashada ka dhaceeysay oo aheyd madaxtooyada dalka Tanzania, waxeeyna isku raaceen in la sii xooji xiriirka labada dal, lagana kaalmeeyo dowladda Soomaaliya xaga tababarka shaqaalaha iyo weliba ciidamada.

Madaxweynaha Tanzania ayaa halkaas ka sheegay in uu diyaar u yahay marwalbo in wuxuu awoodo uu u qabto ummadda Soomaaliyeed iyo sidii Shabaab iyo burcad baddeeda khatarta ku haya calaamka loo soo afjanri lahaa.

Malik Abdalla
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia
Mabdalla@presidncy.gov.so

 

                                                                              

webmaster@ceegaag.com