shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwayne Obama oo sii daayay warqadiisa dhalashada

 

(Washington, April 27,  2010 Ceegaag Online) 

Madaxwaymaha wadanka maraykanka Barack Hussein Obama ayaa sii daayay warqadiisa dhalashada kadib markii ay u cadaatay in dadbadan oo u dhashay Mareekanku rumaysteen hadalo hoos ka tuur cunsirinimo xabaarsan oo ay wadaan dadka taageera xisbiga Jamhuuriga.

Hadaladaa ayaa ahaa inuu madaxwaynuhu ku dhashay wadanka Indonesia balse uusan ku dhalan wadanka Mareekanka. Talaabadan ayaa la filayaa inay soo afjarto muranka mala awaalka ah ee hadheeyay raadiyayaasha taageera xisbiga Jamhuuriga, iyadoo  la filayo inay qaarkoodna yidhaahdaan waa la been abuuray warqadan.

Wiigii hore ayaa nin damaaciyay jagada madaxwayne nimo ee Mareekanka Donald Trump  oo isagu ah maalqabeen guryaha ka baayacmushtara isga hadaaqay been abuuradaa uu ka maqlay raadiyayaasha taageera xisbiga Jamhuuriga oo ilaa intii uu madaxwaynanimada qabtay Obama yeeshay saansaankii radiyihii Free Rwanda ee 1994kii, inkasta oo dadka mareekanku ka ilbaxsan yihiin reer Rwanda oo iyagu dhegta dhiiga isku daray markii hadalo cunsirinimo ah ay ka maqleen radiyayaashoodii.

Sii daynta warqadan ayaa ah mid ka heshay fasax iyo ongolaasho masuuliyiinta dawlada hoose ee gabolka Hawaii magaalada Honolulu kadib markii codsi uga yimid madaxwayne Obama, Warqadan ayaana gobolkaa la siin dadwaynaha balse loo sii daayay codsi ka yimid madaxwaynaha oo horay u shaaciyay warqada dhalashada ee la siiyo dadka shacabka ah.

Waatan Warqadii Dhalashada ee Madaxwayne Obama

Eng. Xuseen Fiin

Boston

 

webmaster@ceegaag.com