shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxwaymaha Maamulka Puntland Faroole oo ka hadlay DFKS, SSC, iyo Ammaanka Puntland


(Boosaaso, April 29,  2010 Ceegaag Online)

Hadalkii Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland Boosaaso kayidhi maanta Dhagayso

 
Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland Faroole ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso  wuxuuna Ka hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin DKMGS. SSC iyo amaanka Puntland.
 
DFKS
Madaxda DFKS waa kuwo ku qaraabta magaca Ummadda Soomaaliyeed oo lacago badan ku soo qaata  magaca Ummadda Soomaaliyeed oo aan la gaarsiin dadka xaq uleh uu ku jira xeryaha qaxootiga, waa kuwa  madaxtinimo aan jirin sheeganaya, waa kuwa taangiyo lagu ilaasho, waa kuwo aan imaan madasha loo dhigo Ummadda Soomaaliyeed ee danta Ummadda Soomaaliyeed looga hadlayo, waa kuwo qayb ka ah dhibaatada ka dhacda Puntland, waxaan Baarlamaanka ugu baaqayaa in ay go’aankoodii dhaqan gashaan iyakaa Ummadda ka wakiila si loo helo hogaan sax ah oo wax kala garanaya ayuu yiri Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland  Faroole”.
 
 
SSC
 
SSC waa wax la doonayay in lagu qaraabto hadase iskaba baaba’day, waa dad qar-dheer ka soo hadlaya, waa dad marar badan isku dayay in ay isku dhuftaan Puntland iyo Soomaaliland, waa dad qayb ka ah dhibaatada Gaalkacyo, waa dad lacag la soo siiyay oo doonaya in ay qalqal gashaan ammaanka Puntland, waan la soconaa in ay dad lacago u soo direen oo ay dhaheen dad noo hadla noo noqda ayuu yiri Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland ”.

 

Ugu danbayntii Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland wuxuu ugu baaqay umada reer Puntland in ay nabadda ka shaqeeyaan oo dadka qabiilka iyo aargoosiga  ku hawlan ay iyaku gacantooda ku qabtaan oo aysan gacansiin, ma jirto reer, reer wax u qaba laakiin hogaamin-xumo ayaa jirta!!!!

Daawo sawiradii soo dhaweenta Madaxwaynaha dawladgobleedka Puntland ee Boosaaso

Alxusayni Zuhani

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com