shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Kooxda K/kolayga Muqdisho City gabdho iyo wiilal oo

loogu awoodsheegatay Nayroobi

 

(Nayroobi, April 20,  2010 Ceegaag Online)

Kooxda Kubada Kolayga ee Muqdisdho Gabdhaha iyo Wiilasha

Ciyaar aad uu xiiso badnayd ayaa ku dhexmartay xulalka magaalooyinka Nayroobi iyo Muqdisho tasoo si daran looga adkaaday xulkii gabshaha iyo wiilasha ee magaalada Muqdisho. Ciyaartan ayaa ka dhacday garoonka wayn Nyaya ayaa lagaga adkaaday gabdhaha reer Muqdisho 95 to 8 dhibcood taasoo cashar lama ilaabaan ah ku noqotay ciyaartoydii reer Muqdisho.

Dhinaca wiilasha ayaa waxaa ciyaarta looga adkaaday 97 iyo 49 dhibcood. ciyaartoydan ayaa waxaa laga dareemayay khibrad yaraan dhinaca kubada ah balse hayay niyad adag uun. Bahda isboortiga Soomaaliyeed oo dhamaantood kasoo xaadiray garoonka ayaa guuldarooyinkaa dusha uga tuuray dagaalka sokeeye ee rakaadiyay dalka labaatankii sanadood ee inadhaafay.

Xuquuqda Sawirada waxaa iska leh Somaliwayn

 

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com