shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jinka Gobolka Sool oo bilaabay laynta madaxda gobolka salaada Makhrib dabadeed.


(Laascaanood, April 30,  2010 Ceegaag Online)

Salaadii makhrib ee shalay dabadeed ayaa waxaa rasaas ooda lagaga qaaday dadwaynaha reer Laascaanood oo uu ku dhex jiray Taliye ku xigeenka birmadka Booliiska Gobolka Sool Jaamac Muuse Cawad. waxaa goobtaa ku dhaawacmay taliyaha iyo dadwayne ay ka mid yihiin Gabadh aan magaceeda naloo xaqiijin iyo Axmed Jaamac Faarax cali  'Islagad'  oo isaga loola cararay cisbataalka Garoowe.

Galabta salaadii makhrib kadib ayaa waxaa dhacay isla faldanbiyeedkii shalay iyada oo la bar tilmaameestay Taliyiha Ciidanka Nabadgelyada wadooyinka gobolka Sool Aadan Axmed Yaasiin X. Ibraahin.

Faldanbiyeedyadan ayaana lagaranayn cida kadanbaysa iyada oo dhacdooyin noqdeen  kuwo loo maara la'yahay in la xakameeyo iyada oo dad wargaleen ah oo aan ka waraysanay adorisida cida falalkan ka danbeesaa ay isku raaceen in uu yahay JIMAN DADKA DERDARA arintaa oo ah mid xaqiiqada ka fog balse tusaaleenasa sida aan war loogu hayn dadkan qorshasan ee u taba baran khaarajinta dadwaynaha reer Laascaanood oo kaliya.

www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com