shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Hay'adda NCA oo Furtay Mashruuc Lagu Caawinaayo Barakacaaysha Garoowe

 

(Garoowe,  April 13,  2011 Ceegaag Online)

Mashruucaan ayaa ah mid lagu taageerayo dadka barakacayaasha ah,waxaana loogu qabanayaa in guryahooda laga caawiyo in ay helaan biyo nadiif ah iyo suuliyaal ay isticmalaan.

Mashruucaan oo u furay Wasiirka Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah Puntland Daa’uud Maxamed Cumar ayaa dadka barakacayaasha ah logu sameynayaa laba qaybood oo kala ah:

In qayb barakacayaasha kamid ah la siinaayo lacag ay ku bilaabaan xoogaa ganacsi ah si nolol maalmeedkooda ay uga helaan. In qaybaha aan la hayn wax tababar lagu siim doonaan goobo ay noloshooda ku maareystaan. Furitaan mashruucaan ayaa waxaa ka hadlay ugu horeyn Yuusuf Cabdiqaadir oo ah madaxa Hay’adda NCA Puntland ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid caawinaya dadka barakacayaasha ah taasi oo ay Hay’addu kacan weyn siin doonto.

Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay inta uu socdo mashruucaan in ay si weyn weyn uga caawin doonaan dhinacyada biyaha iyo qalabeynta guryahooda iyagoona sidoo kalena ay siin doonaan xoogaa kharash ah oo ganacsi ay ku bilaabaan.

Duqa degmada Garoowe Cabdicasiis Nuur Cili “Koor” ayaa isna goobta ka hadlay,wuxuuna sheegay in ay gacan ka geysan doonaan mashruucaan ay wado Hay’adda NCA ee lagu caawinayo dadka barakacayaasha ah.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah Puntland Daa’uud Maxamed Cumar oo isna si rasmi ah u furay mashruucaan ayaa uga mahadceliyey Hay’adda NCA Puntland taageerida ay taageereyso dadka barakacayaasha ah.

Mr. Daa’uud ayaa intaasi raaciyey in mashruucaan ay Hay’adda NCA ay u fuliso si wanaagsan,wuxuuna sheegay in Hay’addu aysan ahayn mid ku cusub deegaanada Puntland balse ay horey mashaariic uga fulin jirtay Puntland sidii loogu talagalay.

Ma ahan mashruucaan kii ugu horeeyey ay Hay’adda NCA ay ka fuliso deegaanada Puntland,waxaana mashruucaan uu ku eegyahay barakacayaasha magaalada Garoowe oo kaliya.


 

 

                                                                              

webmaster@ceegaag.com