shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare  qareen Ceydiid C/laahi (Ilko xanaf) oo xilka ka wareegay maanta , ayaa sheegay inuu dardar galindoono habsami usocadka hawlaha Wasaarada Garsoorka

 

(Muqdisho, April 21,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare  qareen Ceydiid C/laahi (Ilko xanaf)(Sawirka radiomuqdisho)

Munaasabad xil la wareegid ah oo lagu qabtay maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa maanta ka dhacday magaalada muqdisho. Xil la wareegidan ayaa uu xilka maxkamada kula wareegay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare  qareen Ceydiid C/laahi (Ilko xanaf).

Munaasabadan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay sii hayahii xilka Guddoomiyaha Maxkamada sare  Maxamed Maxamuud Maxamed oo ka xogwaramay xaalada amaan daro ee soo wjahday iasaga iyo ragii uga horeeyay xilkaa oo qaarkood noftaada kuwaayeen.

Sii hayahii xilka Guddoomiyaha Maxkamada sare  Maxamed Maxamuud Maxamed(Sawirka Raqdiomuqdisho)

waxaa isna goobta ka hadlay  xeer ilaaliyaha guud ee  Soomaliya C/lahi Daahir Barre oo si qayaxan u sheegay in dadka bixiya kharashaadka maxkamada oo ay ugu horayso UNDP du musuqmaasuq kula dhex wareegayaan habsami usocodka hawlaha maxkamadaha tasoo kaliftay tayo shaqaaale xumo oo ku habsatay wasaarada garsoorka gabi ahaanba.

 

 Xeer ilaaliyaha guud ee  Soomaliya C/lahi Daahir Barre(Sawirka Radimuqdisho)

Ugudanbayntii waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee Maxkamada Sare  qareen Ceydiid C/laahi (Ilko xanaf) isagoo sheegay inuu dardar galindoono habsami usocadka hawlaha Wasaarada Garsoorka, sidoo kalena uu wax u qaban doono dadkii naftooda ku waayay gudashada hawlaha garsoorka ee dalka taariikh ahaan iyo caaliyadoodaba.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com