shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Fursaddaha ganacsi ee ka jira qaarada afrika (Business Opportunities of Africa).

 

(London,  April 01,  2011 Ceegaag Online) 

Ogaanshaa fursadaha ganacsi ee ka jira qaaradda afrika ma aha wax si fudud lagu ogaan karo waa arin u baahan in la sameeyo daraasad xog-uruurin (business feasibility study) oo weliba waddan ilaa waddan loo maro laguna bixiyo kharash badan. Laakiin waxaan marnaba laga tagi karin in dhamaan ay jirto baahi guud oo ay qabaan oo ah isku filaasho la’aan.

Si loogu guulaysto suuqyada afrika waxaa loo baahan yahay in lala yimaado khibrad ama fikrad ka duwan kuwa hadda ka jira. Afrika waa meesha keliya ee uu qofku muddo kooban ku samayn karo lacag aad u badan haddiba lala yimaado ganacsi khibradiisii wata. Hadaba anaga dadka soomaalida ah hadaan nahay waxaanu ganacsiyo ka bilownay afrika laakiin waxaa naga maqan aqoontii iyo xirfaddii aan suuqyada si fudud ugu gali lahayn, waxaa keliya oo aan eegnaa maxaa magaaladaa ka soconaaya amaba muxuu soomali kale ka shaqeeyaa halkii uu raadin lahaa ganacsi ka duwan kan uu sameeyay soomaaliga kale.

Waxaan arkay soomaali badan oo timi qaaradan afrika kana yimi debadaha gaar ahaan waqooyiga ameerika iyo yurub oo si fudud ugu guuldaraystay in ay ganacsiyo ka furaan qaaradan. Bilowga marka ay yimaadaan waxaad moodaa dad aqoon leh oo wax kala wadi kara laakiin muddo yar kedib waxaad arkaysaa shirkaddii oo la isku haysto oo gartooda loo fadhiyo taasna waxaa sabab u ah waayo aragnimo la’aanta inawada haysata hadaan soomaali nahay.

Si aan uga gudubno dhibaatooyinka jira waa in aynu wax ka baranaa sida maanta uu u socdo ganacsiga adduunku iyo weliba sharciyadda ganacsiga. Waxaan daraasad kasoo sameeyay wadamo badan oo ku yaal qaaradan afrika. Markaan ka hadlaayo afrika keliya kama hadlaayo East Afrika waxaan ka hadlayaa dhamaan afrika. Balse waxaan odhan karaa wadamada afrika ee aan ahayn east afrika ayaa hadda jaanis badani ka jiraa.

Afrikaa waxa ay hadda ku socotaa xawli aad u badan dhinaca ganacsiga maadaama ay tahay waddamo soo koraaya. Ganacsiga ugu badan ee lagu guulaystay qaaradan afrika waa saddex nooc:

·        Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry)

·        Iyo in aad wakiil buuxa u tahay shirkadd weyn (agent)

·        Iyo in aad samayso ama keento badeeco ama adeeg aan hore u jirin (unique products or services)

Ganacsiga warshadaha yaryar (light industry) ayaa hadda waxaa ay noqdeen fursadaha ugu fiican ee ganacsi ee laga samayn karo qaaraddan afrika. Waxaana marba marka ka dambaysa soo badnaaya baahida loo qabo in gudaha laga soo saara badeecadda halkii debada laga keeni lahaa taas oo keenta in badeecaddu jabnaato lana helo shaqaale aad u jaban. Dawladdo badan oo afrika ka mid ah ayaa aad u dhiir geliya arinta keenida ama maalgashiga warshaddaha yaryar.

Wakiilka (agent) shirkadd weyn oo caalami ah loo noqdaa waa fursadda labaad ee ku soo xigta ta warshadaha yaryar. Waxaa aad u yaqaana arinta wakiilka dadka hindida ah oo runtii si fiican ugu jira suuqyadda afrika.

Keenida abuurida badeeco ama adeeg ku cusub afrika ayaa asaguna waxaa uu noqday jaanisyo ka jira afrika, tusaale ahaan haddii aad waddan keento badeeco ama adeeg kuu gaar ah waxaa suurto gal ah in aad faaiido ka hesho ilaa inta cidkale suuqa kasoo galayso.

Hadaba waxaad moodaa ganacsigii soomalidu taqaanay ee ahaa maryaha, raashinka, electronics, bagaashka iyo shidaalkaba in la isaga daba yimi oo dadkii wadamada u dhashay ee afrikaanka ahaa ay shaqadan soo baranayaan. Taasina waxaa ay keentay in suuqyo badan soomalida ay si fudud uga guuraan amaba uu burburo ganacsi cusub oo dhawaan la abuuray.

5tii sanno ee ugu dambeeyay ganacsiga soomalida 85% shirkaddihii la abuuray waa ay guul daraysteen sababtoo dadkii afrikaanka ahaa ayaa bartay meelihii ay soomalidu kasoo qaadan jireen alaabta. Dadka hindida ahi ayagu hadda waxaa ay u guureen dhinaca warshadaha yaryar iyo shirkaddo ay wakiilo u noqdaan.

Hadaba halkan waxaan kusoo qaadan doonaa in aan iftiimiyo fursadaha ganacsi ee kajira afrika, waxaan kasoo qaatay intii aan u arkay in ay muhiim tahay:

·        Xanaanadda doorada ama digaaga (Poultry farming):

Qaaradda afrika oo aad looga isticmaalo ukunta iyo hilibka dooradda ama digaaga ayaa waxaa soo kordhaysa baahidda loo qabo in la abuuro goob lagu xanaaneeyo digaaga. Waxaa jirta in badanaa hilibka digaaga ee lagu isticmaalo afrika uu ka yimaaddo wadamo ka baxsan afrika.

·        kabaha iyo dharka huudhayga ah (Used shoes and clothes):

Badanaa waddamada afrika waxaa aad ugu soo badatay baahida loo qabo dharka ama kabaha la isticmaalay ee tayadoodu aanay liidan, Weliba huudhayga ka yimaada wadamada Europe iyo N/Amerika ayaa aad loo jecel yahay. Faaiidada qodobkan labaad waa in aad hesho cidii kuu keeni lahayd alaab tayo fiican leh.

·        Beerfalasho (farming):

Waxaan la iska indha tiri karin in khudaarta wadamada afrika qaarkood laga keeno meelo ka baxsan gudahooda. Wadamo leh webiyo iyo barwaaqo kale ayaa hadana loo soo dhoofiyaa khudaarta dawladaha afrikaankuna hadda waa ay dhiiri geliyaan cidii xaga beeraha maalgashanaysa.

·        Xarun shaybaar (diagnostic center):

Wadamada qaarkood weli iskuma fila dhinaca caafimaadka gaar ahaan qalabka shaybaarka ee casriga ah. Baahida ka jirta dhinaca caafimaadku waa wax aan lasoo koobi karayn loona baahan yahay. Markaa samaynta goob caafimaad oo qalabkeedu u dhan yahay waa ganacsi lagu guulaysan karo.

·        Kombuutarada iyo qalabkooda (computers and accessories):

Sida badanaa la ogyahay qaaradan afrika aad ayay uga dambaysaa dhinaca kombuyuutarada iyo  teknoolajiyada casriga ah waxaana soo badnayaa baahidda loo qabo kmbuutrada gaar ahaan kuwa aan cusbayn (used). Waxaa hadda afrika si fiican ugu soo fidayaaa qalabkan lasoo marinaayo badda hoosteeda ee (fiber optic) kaasoo sahlaya in si fiican loo heli karo internet dheereeya oo weliba jaban.

In qof waliba oo afrikaan ahi qaato kombuutar waxaa ay qaadanaysaa muddo dheer, xaga hadda weli hayadaha dawladduhu aanay wad dhigin xafiisyadooda kombuutaro.

·        qalabka maryaha lagu talo (textile machines):

Baahida loo qabo in maryaha lagu talo dalka gudihiisa ayaa si aan caadi ahayn usoo karaysa wadamo badan oo afrika ka mid ah, waxaanad arkaysaa maryaha gudaha lagu talo oo aad loo raadinaayo. Laakiin waa in lakeenaa mashiinaddii toli lahaa oo ah mashiino waaweyn iyo nooca maryaha loo baahan yahayba. Kama hadlaaaya mashiinada yaryar ee maryaha lagu talo.

·        Dukaamada buugaagta (bookshops):

Bookshops waa shaqo soomalidu aanay khibrad fiican u lahayn waana shaqo baahideedu ay ka jirto qaaradan afrika oo aan marnaba haqab tiri karin baahida dadweynaha. Gaar ahaan wadamada Congo, Angola iwm.

·        Xanaanaynta lo’da (Cattle ranching):

Xanaanaynta lo’ada amaba inta la naaxiyo haddana suuqyadda dib looga iibiyaa waa fursaddo kusoo baahay qaaraddan afrika. Haddii la helo khibraddii loo baahnaa waa shaqo ka banaan dhamaan qaaraddan afrika. 

·        Meelaha lagu gado shidaalka (fuel station):

Wadamada africa waxaa aad usoo kordhaaya keenida baabuurta cusub iyo kuwa duuga ah ba, maadama baabuurti soo badanayso waxaa kale oo aad u batay baahida loo qabo goobaha lagaga shubto shidaalka.

·        Ganacsiga nadiifinta gawaaridda (car wash business):

Badana malaha afrika meelo aad u casri ah oo lagu dhaqo ama lagu mayro gawaarida. Haddii la helo goob ku habboon lana keeno dhamaan qalabkii loo baahnaa waxaan shaki ku jirin in ay soconayso.

·        Ganacsiga daabacaadda (printing business):

Ganacsiga daabacadda buugaagta ama waraaqaha kale waa waxyaalaha ay afrika aadka ugu baahan tahay. Waa ay jiraan meelo badan oo sameeyaa laakiin hadan weli kuma fila gaar ahaan meelaha lagu daabaco buugaagta.

·        Goobaha lagu sameeyo qalabka guryaha (furniture):

Nooca ganacsigani waa mid baahi weyni ka jirto gaar ahaan qofka kiraysta goob weyn oo keena mashiinadda wax lagu sameeyo, waxaan shaki ku jirin in muddo kooban laga soo saari karo lacagtii gashay waayo qalabka guryahay iyo xafiisyadda baahi aan caadi ahayn ayaa ka jirta.

·        Dhismaha guryaha (real estate):

Dhismaha guryuhu aad ayuu u fiicnaa ka hor intii aan dhaqaalaha adduunku dhicin ee sannadkii 2007. Laakiin sannadadan dambe aad ayuu hoos ugu dhacay, samaynta guryaha waa in marwalba lala socdo xaaladda dhaqaalaha adduunka.

·        Dukaamadda waxwalba iibiya (collection shops):

Wadamada qaarkood waxaa aad usoo kacay dukaamadda lagu gado badeecaddaha kala duwan ee jaban, dukaankaasi waxaa uu iibinayaa wax wal oo suuqa yaala oo ay gadan karaan dadka danyarta ahi, faaiido badan lama saaro laakiin badeeco badan ayaa kaa baxaysa taasi ayaa keenaysa faaiido macquul ah. 

·        Suuq-weyn oo laga adeegto (supermarket):

Dukaamadda waaweyn ee wax laga iibsado ayaa ayaguna ah jaanisyo ka banaan qaaradda afrika, marba marka ka dambaysa waa ay soo siyaadayaan, baahidiisuna waa ay soo badanaysaa 

·        Dukaan lagu gado hilibka (butchery):

Wadamada afrika qaarkood baahi badan ayaa ka jirta dhinaca helitaanka hilibka darayga ag (fresh meat), digaaga iyo weliba malayga ama kaluunka waana gancsi lagu guulaysto haddiiba si fiican loo sameeyo baaritaan buuxa.

·        Soo dejinta raashinka iyo cabitaanka:

Maadama afrika ay ku badan yihiin dadka danyarta ah waxaa jirta in weli baahi badan loo qabo waxyaalaha daruuriyaadka ah sida raashinka oo kale. Gaar ahaan raashinka jumlada lagu iibinaayo.

Raashinka waxaa usii muhiimsan saliida cuntada oo aad afrika looga isticmaalo. Shirkadda wakiil u noqota shirkad kale amaba awooda in ay keento mashiinada lagu sifeeyaa waa jaani jira. Waxa kale oo ka mid ah warshadaha sameeya cabitaanada sida biyaha iyo sharaabka.

Ganacsi kasta oo aad samaynayso waxaad u baahan tahay in aad samayso daraasad xog-uruurin (feasiblity study). Si aad u samayso daraasad ganacsi dib ugu noqo casharaddii hore.

Wadamada afrika waa ay kala sharciyo duwan yihiin qaarkood dekadaha ayaa dhib ah, qaarkood gelitaanka ayaa dhib ah, qaarkood sharciyada shaqada ayaa dhib ah (business licence), qaarkood dadka dhaqan kooda ayaa dhib ah (culture problem), qaarkood luqada ayaa dhib ah oo waxaad u baahn tahay in aad luqada muddo barato (language barrier).

Hadaba haddii aan rabno in aan samaayno ganacsi guulayasan kara oo aan ka samayno qaaradan afrika fadlan dib ugu boqdo casharaddii hore.

Haddii aad si khaas ah ugu baahan tahay wadamadda qaarkood fadlan ila soo xiriir.

Lasoco qaybta xigta wiika dambe hadii ALLE idmo.

Mustafe Ibraahim

mustaf1970@hotmail.co.uk

                                                                       

webmaster@ceegaag.com