shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Dugsiga sare ee hawd secondry school oo laga furey madbacad cusub, iyo shirkadda TELESOM oo ugu deeqday qalab computereed

 

(Buuhoodle,  April 09,  2011 Ceegaag Online)

Xaflad aad loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Wasiiro, xilibaano, masuuliyiinta heer gobol iyo mid degmaba, culumaa udiin, isimo cuqaal iyo waalidiin ayaa ka dhacday magaalada Buuhoodle.
 
Xafladaan oo ujeedadeedu ahayd madbacad cusub oo laga furey dugsiga sare ee Hawd Buuhoodle dhinaca kale deeq computereed oo uumaamulaha  shirkada Telsom ugu deeqay Hawd Secondry School.
 
Xafladaan ayaa waxaa ka hadlay masuuliyiin fara badan oo uu ugu horeeyay Maxamed Faarax Aadan oo ah wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka bada ee Puntland wasiirku waxa uu ka hadlay siidii loo horu marin lahaa loona tayayn lahaa waxbarashada gobolka sameeyayna balan qaadyo farabadan.
 
Ugu danbeyntiina maamulaha dugsiga sare ee hawd secondary school Sh Muqtaar Axmed Xaaji Faarax  ayaa la gudoonsiiyey agabkii waxabarashada ee ay ugu deeqaday shirkada Telesom Buhodle waxaana gudoonsiiyey  maamulaha shirkada telesom caaqil Cabdisamad Cali Xasan  agabkan.

 
CEEGAAG ONLINE
   BUUHOODLE
Alxusayni Zuhani

                                                                                         

webmaster@ceegaag.com