shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dowladda Federaalka oo ka jawaabtay eedeyntii Madaxweyne DGP ee Faroole.


(Muqdisho, April 30,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Boostada Md.C/kariin Xasan Jaamac oo ku sugan dalka imaaraadka Carabta ayaa si kulul uga jawaabay eedeyn uu madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland uu usoo jeediyay Dowlada KMG-ah oo uu hseegay inay lug ku leedahay Xasilooni darada ka aloosan deegaanadaasi.

“Hadafka Dowladda KMG-ah waa Nabbadeynta iyo dibuheshiisiinta Soomaaliya ,weligeedna qorshaha kuma darsan hurin colaad mana haboona in lagula soo galgasho fitnada ka taagan Qeybo ka tirsan  maamulada dalka jira ee la doono in damac Siyaasadeed lagu gaaro”ayuu yiri Wasiirka.

Md. C/kariin ayaa dhinaca kale  beeniyay in DKMG ah ay abaabusho kooxo Mucaarad ah oo xsiloonidarro abuura balse ay jiraan kulamo ay la yeelato dhamaan qeybaha Bulshada ee gobolada Soomaaliya si buu yiri looga gacan siiyo horumarinta deegaanadooda gaar ahaan dhinacyada Sugidda amniga iyo  maamul sameynta.

“Dowladda waxaa ku jira Dad xilkasa ama kuwo ka turjumaya deegaanada puntland marka waxaa haboon inaan eedeyn ama damac siyaasadeed lagu raadin warar aan jirin waana xaqiiqo in Kooxaha Nabbad-diidka ah ee Shabaab iyo mucaaradkii Gal-gala ay lug ku leeyihiin rabshadaha ka taagan Deenadaasi anagoo horay ugu tacsiyeynay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay dilalkii ka dhacay Puntland “ayuu yiri wasiirka.

www.ceegaag.com/Somaliwayn

 

webmaster@ceegaag.com