shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo kulan la qaatay xildhibaanada DFKMG ah ee Soomaaliya.

 

(Muqdisho,  April 10,  2011 Ceegaag Online)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta kulan la qaatay  qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka DFKMG ah ee Soomaaliya isagoo kala hadlay xaalada kala guurka ah ee dalku kujiro, kana codsaday xildhibaanada Barlamaanka in muujiyaan wada shaqeyn buuxda, Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa Kulankan ku wehlinayay Wasiiru dowlaha Xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Hadal gaaban oo uu ujeediyay xubnaha Barlamaanka KMG ah ayuu Ra’iisal Wasaare Farmaajo yiri “Mudanayaal kulankani waa kulan muhiim ah, sababtoo ah ma ahan inaan isku aragno hoolka Baarlamaanka oo kaliya ah ee waa inaan kulamo joogto ah yeelano” RW Farmaajo ayaa sidoo kale uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyey ee ay dowladdu Federaaalka gaartay dhinaca Amniga, Siyaasada, Dhaqaalaha, Dib u dhiska iyo la dagaalanka Musuq maasuqa.

 

Dhinaca kale, Wasiiru Dowlaha xiriirka Baarlamaanka iyo Xukuumada Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ugu dambeyntii xildhibaanada la hadlay una sheegay in kulankani uu yahay midkii ugu horeeyey balse ay ku xigidoonaan kulamo kale oo ay fikraddaha isku dhaafsandoonaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xildhibaanada Baarlamaanku, wuxuuna u balan qaaday in guddiyada Baarlamaanka loo sameyn doono Xafiisyo iyo Miisaaniyad u gaar ah si ay ugu fuliyaan howlaha qaran ee loo xilsaaray.

www.ceegaag.com

 

                                                                              

webmaster@ceegaag.com