shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Zakariye Siciid Cismaan (Awaare) Agaasimaha Jaamacada Maakhir oo ka warbixiyay dhismaha iyo Howlaha Jaamada.

(Bosaaso,  Sep 04,  2010 Ceegaag Online)

Zakariye Siciid Cismaan (Awaare) Dhageyso

Agaasimaha Jaamacada Maakhir  Eng. Zekeriye Xaaji Siciid Cismaan Awaare oo waraysi siiyey Radio Daljir ayaa waxa uu waraysigiisaa kaga hadlay arimo badan ku saabsan jaamacada Maakhir  oo dhawaan laga furi doono Magaalada Badhan.

Eng. Zekeriye ayaa waxa uu sheegay in Jaamacadu ay furmi doonto bisha tobnaad ee fooda ina ku soo haysa ,sidoo kale waxa ay Jaamacadu bixin doontaa Courses lix bilood ah oo ay ugu talagashay in kor loogu soo qaado tayada arday biloobi doonta Jaamacada.

Jaamacada ayaan iminka lahayn  dhismi  u gaar ah , isla markaana lagu sii bilaabi doono dhismi kiro ah ilaa inta laga helaayo dhismi jaamacada u gaar ah, Eng. Zekeriye  ayaa mar wax laga waydiiyey halka ay ka helaan dhaqaalaha waxa uu sheegay in dhaqaalaha  Jaamacadu ka yimaado Jaaliyadaha u dhashay deegaanda Maakhir ee degan Wadamada Maraykan, Yurub, Canada iyo sidoo kale wadamada Carabta.

Isku soo wada duuboo waraysigan ayaa waxa uu mugdi badan ka saari doonaa dad badan oo shaki ka qabey bilaabida jaamacada Maakhir..

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com