shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle oo Maanta Bilaabay Kulamo Gooni Goobi ah, iyo Shir lagu Wado inuu Maalita Sabtida ah Qabsoomo

(Buuhoodle,  September 30,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Buuhoodle Waxa Maanta ka Bilaabay Kulamo Gooni Gooni ah oo ay leeyihiin Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle gaar ahaan Waxa laga dareemayaa gobolka Kulamo ay isku arkayaan Qaarkamid ah Beelaha deegaanka Buuhoodle oo iyaga u gaar ah, Waxana kaloo gobolka ka bilaabay olole balaadhan oo loogu jiro sidii ay shir balaadhan isugu imaan lahaayeen Isimada Cuqaasha, Culumada iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Buuhoodle.
 
Waxana Kulamadaasi loo balamay in Maalinta Sabtida ah shir balaadhani ka dhicidoono Deegaanka Buuhoodle shirkaasina ayaa Wararka Ceegaag.com heshay looga hadlayaa Xaalada Guud ee Nabad galiyada Deegaanka Buuhoodle, lama ogaankaro Waxyaabaha kale ee shirkani la filayo in Maalinta sabtida ah lagu Gorfeeyo.
 
Qaarkamid ah Isimada iyo Cuqaasha ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com Maanta u sheegay in shir balaadhan lagu Wado inuu ka furmo Gudaha Magaalada Buuhoodle oo looga hadlayo Amaanka, lama ogaankaro Waxyaabaha haatan shirkaasi looga hadli doono........

 

Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 


webmaster@ceegaag.com