shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiirada Warfaafinta ee Dawlada Somalia iyo Maamulka Puntland oo Soo saaray Qodobo ay Ku heshiiyeen oo Dhinaca saxaafada ah.

(Muqdisho,  September 19,  2010 Ceegaag Online)

Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Federaalka KMG ah Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan iyo Wasiirka Warfaafinta Isgaadhsiinta iyo Hidaha iyo Dhaqan ee Maamulka puntland  Cabdi Xakiim Axmed Guuleed ayaa Magaalada Muqdisho ka Soo saaray Qodobo ay ku Heshiiyeen kadib Markii Labada Wasiir kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Wadanka Somalia, kulankaasi oo lagu Casuumay Wasiirka Warfaafinta ee Puntland looga hadlayey tayeynta Saxaafada Somalia iyo soo Celinta ha’yada Warbaahinta Somalia.

Qodobada ay ku heshiiyeen labada dhinac oo saxaafada loo qaybiyay ayaa u qornaa sidan:
 
1. In laga shaqeeyo horumarinta warbaahinta Soomaaliya, lana dhowro madaxbannaanida, daacadnimada, run-sheegga iyo dhexdhexaadnimada warbaahinta Soomaaliya. Suxufiyiintana waa inay u hoggaansamaan shuruucda dalka iyo kuwa caalamigaba iyagoo dhowraya anshaxa iyo asluubta saxaafadda.

2. In Puntland laga caawiyo sidii ay u dhisan lahayd awood warbaahineed oo ay ku jiraan raadiyeyaal FM ah si sare loogu qaado wacyigelinta dadweynaha, isla markaana gacan looga geysto sidii loola dagaallami lahaa dhaqanka ku dhisan qaska ee Soomaaliya loo soo waariday.

3. In wasaaradaha warfaafinta ee Xukuumadda KMG ah iyo Puntland ay helaan qaab wadashaqeyn dhameystiran.

4. In la sameeyo hab mideysan oo dhammaan warbaahinta soomaaliyeed lagu diiwangeliyo, laguna siiyo ruqsada howlgalka ee heer Qaran.

5. In la dhiso awoodda weriyeyaasha soomaaliyeed. Sidaasi darteed waxaa qorsheyaal taabagal ah loo dajin doonaa sidii Puntland looga furi lahaa machad lagu barto saxaafadda, si loo soo saaro saxafiyiin xirfad leh oo mas’uul ah.

6. In dib loo soo nooleeyo Wakaaladdii Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA), taasoo soo uruurin doonta, isla markaana faafin doonta wararka Soomaaliya oo dhan.

7. In la qabanqaabiyo isweydaarsi saxafiyiinta si ay isku dhaafsadaan cilmi iyo waayoaragnimo.

8. In la dhiso xiriir wanaagsan oo dhexmara Xukuumadda KMG iyo Puntland, gaar ahaan dhinacyada muhiimka u ah labada dhinacba.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com