shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

War hada naga soo gaadhay magaalada Marko  ayaa sheegaya in ay is xabadeeyeen xoogaga Alshabaab iyo diyaarad nooca sirdoonka ah (Spy plane).

(Marko Cadey,  September 26,  2010 Ceegaag Online)

Warar ay noosoo gudbinayaan dad goobjoogayaal ah kuna sugan magaalada Marko Caday ayaa sheegaya in ay saaka diyaarad nooca sirdoonka ah oo aan lagaranayn meesha laga leeyahay  oo inbadan dul heehaabasay magaalada marko ay markii danbe tacshiirad ku fureen xoogaga Al-shabaab ee gacanta ku haya magaalada Marko.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogayaashan ayaa sheegay in diyaaradan ay iyana ku soo riday gantaal aan isagu qarxin oo wali dadku daawanayaan, iyada oo ay u eeg tahay in uun lagu baqdin galinayay kooxda Al-shabaab oo iyagu rasaaseyay diyaaradaa.

Waxa khasaare ah oo ilaa hada ka dhashay majiraan iska hor imaadkaa saaka ka dhacay Marko balse waxaa aan war loo hayn go’aanka ay qaadan doonaan maamulayaasha meeshii ay diyaaradaa ka timid.

Kooxaha Al-shabaab ayaa gacanta ku haya dhamaan badanaa gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com