shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Waftiga UNka ah ee soo gaadhay Muqdisho iyada oo ay  ka socdaan Dagaalo waa astaan muujinasa awooda dawlada Shariif Sheekh Axmed.

(Muqdisho,  Sep 02,  2010 Ceegaag Online)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay, wafdigan ayey hogaaminayeen Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ee qaabilsan dhanka Siyaasad B. Lynn Pascoe iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha QM ee Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga.

Wafdigan ayaa xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha dowlada Federaalka Kumeel gaarka Soomaaliya, Shiikh Shariif Axmed iyo xubno kamid ah dowlada. Wafdigan ayaa kala hadlay madaxda dowlada xaalada amni iyo siyaasadeed ee dalka ku jiro, ayagoo sidoo kale isla soo qaaday taageerada Qaramada Midoobay u fidiso DKMG Soomaaliya.

Madaxda UN-ta ka socotay ayaa sheegay in dhawaan dalka Soomaaliya ay soo gaari doonaan xubno ka socda Qaramada Midoobay oo dhanka Amniga gacan kasiin doona Dowlada Soomaaliya. Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif Axmed, ayaa asagu markale ugu baaqay Beesha Caalamka in si dhab ah ugu soo jeesato taageerida Dowladiisa, asagoo ka warbixiyey dagaaladii dhawaan ka soconayey magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa ah midkii ugu sareeyey ee ka socda Qaramada Midoobay oo muddooyinka booqda magaalada Muqdisho, booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xili ay dagaalo culus magaalada Muqdisho ka socdeen 9kii maalmood ee lasoo dhaafay.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com