shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool oo Ceegaag.com uga Waramaya Qaabkii loo Siidaayey Maxaabiistii ay kala Wareejisteen Puntland iyo Somaliland
 

(Laascaanood,  September 24,  2010 Ceegaag Online)

Waraysiga Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool Axmed Maxamuud Guutaale   Dhagayso

Taliyaha Qaybta Booliska Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolkaasi Sool Axmed Maxamuud Guutaale ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya Qaabkii loo kala Wareejiyey Gaadiid iyo Maxaabiis badan oo ku kala Xidhnaa Xabsiga Magaalooyinka Mandheera iyo Xabsiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaasi Mudug, oo Maxaabiistaasi kala ahaayeen Kooxo Burcadbadeed ah iyo Qaarwaday Gaadiid oo iyaga lagu Afduubay Deegaano katirsan gobolkaasi Mudug.
 
 
 
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sool ayaana Sharaxaad dheer ka siiyey Qaabkii loo kala Qabsaday Gaadiidkaasi iyo Maxaabiistaasi Sabaha Keenay in la kala Qabsado, Sidoo kale Taliyaha ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay in Siidayta Maxaabiista Burcadbadeedka ee laga Qabtay Xeebaha Deegaanada Maamulka somaliland uu Cafis u fidiyey Madaxwaynaha Maamulka somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo, kadib Markii Codsi uga Yimid Ehelada Maxaabiista ku Xidhnayd Xabsiga gaalkacyo.
 
Waraysigaasi oo Dhamaystiran isla Markaana Taabanaya Dhinacyo badan Ka dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
 


webmaster@ceegaag.com