shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Cayn oo Caawa ka hadlay Weerarkii lagu soo Qaaday Saldhiga dhexe ee Buuhoodle, kadib markii Israsaasay Xoogani Halkaasi ka dhacday

 

(Buuhoodle,  September 26,  2010 Ceegaag Online)

Waraysi  Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Cayn Maxamuud Jaamac Cali    Dhagayso

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Cayn Maxamuud Jaamac Cali oo Caawa si Kulul u Beeniyey in Ciidamo taabacsan SSC La Wareegeen Saldhiga Dhexe ee Magaalada Buuhoodle Waxa uu ku tilmaaya Wararkaasi inay yihiin kuwo ka fog Xaqiida dhabta ah, taliyaha ayaana intaasi Raaciyey in Maanta Galinkii hore Weerar lagu soo Qaaday Saldhiga Xiligaasi oo Ciidanka intoota badani ka maqnaayeen gudaha Saldhiga iyagoona aaday Howlgalo Shaqo, kadiba Isla Saldhiga Israsaasay Xoogani ku Dhexmartay Ciidamada Booliska iyo Ciidamada SSC Ka Socday.
 
 
Taliyaha oo Caawa Waraysi Khaas ah siinayey Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaa sheegay inay haatan Ciidamadu gacanta ku hayaan Saldhiga Weerarkaasina Noqday Mid fashilmay oo lagu Doonayey in laguna Wareego Xarumaha Maamulka puntland kuwa ugu Miuhiimsan, Waxan uuna intaasi Raaciyey inay Diyaar u yihiin inay ku dagaalaaman Cidii ku Soo Weerarta Saldhiga dhexe iyo goobaha kale.
 
Waraysigaasi oo dhan ka dhagayso shabakada Wararka Ceegaag.com oo taabanaya Dhinacyo badan
 
 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
 


webmaster@ceegaag.com