shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Taliyaha Qaybta Booliska ee Magaalada Boorame oo Ceegaag.com uga waramay Rabshadii ka dhacay Magaalada Boorame.

(Boorame,  September 18,  2010 Ceegaag Online)

Taliyaha Q/booliska G/Awdal Cabdi Amed Maxamed Dhageyso

Taliyaha Qaybta Booliska ee Magaalada Boorame Kornayl Abdi Axmed Maxamed ayaa shabakada Wararka Ceegaag.com Waraysi kala Yeelatay Mudahaarado Rabshado Wata oo ka dhacay magaalada Boorame ee Xarunta gobolkaasi Awdal oo isaga hor yimaadeen Ciimada Booliska Magaalada Boorame iyo shacabka Magaalada Boorame oo aad u Cadhaysan, halkaasina ka dhaceen khasaare sababay Dhaawac iyo dad tiro badan oo Ciidamadu Xabsiyada Magaalada Boorame ku Xidheen kadib Rabshahaasi.

Taliyaha Qaybta Booliska oo Waraysi siinayey Ceegaag.com ayaa sheegay inay Rabshahaasi Yimaadeen kadib Markii Shacabka Magaalada Boorame si khaldan loogu sheegay in Sadexda Dirawal oo la sheegay inay Ciidamadda Booliisku u dhiibayaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaaladda Goraya-cawl oo u dhaxaysa Boorame iyo Dila.

Taliyaha ayaana Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay inay Ragaasi loo Watay Xabsiga Magaalada Hargaysa isla Markaana Maxkamad lagu saari lahaa,  taliyaha ayaa Ceegaag.com u sheegay inay Xaaladu haatan degan tahay.

Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com