shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shil Gaadhi oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka dhacay Duleedka Marqaan Wayne.

(Marqaan,  September 14,  2010 Ceegaag Online)

Ugu yaraan Hal Ruuxi ayaa ku Geeriyooday labo kalena Dhaawac ayaa soo gaadhay kadib Markii Mid kamid ah Gawaadhida Qaadka keentaa ku Rogmaday inta u Dhaxaysa Magaalada Marqaan Wayne oo katirsan Degmada Bookh ee gobolka War dheer iyo Tuulada Wanaag oo dhinaca Bariga kaga toosan Magaalada Marqaan Wayne, Waxan Dhaawacii ka dhashay Shilkaasi gaadhi iyo Wadihii gaadhiga geeriyoodayba lagu aasay Magaalada Marqaan Wayne.

Marxuunkaasi Geeriyooday ilaahay Naxariistii Jano haka Waraabiyee ayaa siwayn looga yaqaanay deegaanka Waxana lagu Magacaabi jiray Maxamed Xasan Saalax Waxana kamid ahaa dhaliyada ka soo Qaadi jiray Qaadka Magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolkaasi Sool, Waxana tacsi u diraynaa dhamaan Eheladii iyo Qaraabadii uu ka Geeriyooday.

Mudooyinkaba Waxa deegaanka ku soo badanayey Shilalka Gawaadhi oo  Sababa Dhimasho iyo dhaawac Xiliyada ay Darawalado ku jiraan safarka dheer, Waxana inta badan lagu eedeeyaan Shilalka Gawaadhida Wadayaasha gaadiidka oo Xawaare Xoogan ku socda.

Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com