shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Shahaado abaalmarin ah oo maanta la gudoonsiiyay Wariye Axmed Siciid Cige.

(Hargeysa,  September 20,  2010 Ceegaag Online)

Gudiga Doorashooyinka ee Maamulka Somaliland ayaa maanta shahaadad sharaf qaali ah oo ka samaysan Silver-isla markaasna ah mid aad u culus gudoonsiiyay Mudane Axmed Siciid Cige, oo ah  Wariyaha Idaacada BBCDa Qaybta Afsomaliga ah  u Jooga Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka somaliland Waxan Munaasabad Balaadhan oo lagu Gudoonsiinayey Shahaado sharaftaasi Goob joog ahaa Madax Badan oo ka soo Qayb Galay Xafladii Halkaasi lagu Gudoonsiinayey.
 
Wariyaha BBC-da Magaalada Hargaysa Mudane Axmed Siciid Cige ayaa shahaadadan ku mutaystay shaqo wanaag iyo dhex dhexaadnimo xiliyadii lagu guda jiray diwaan galintii iyo doorashadii dhawan ka dhacday Maamulka somaliland oo Gudiga Doorashadu sheegeen in Wariyaha BBCDu Wararka Doorashiiyinka Diiwaan Galinta iyo Ku dhawaaqista Doorashada  Cadaaladnimo ah Wararka ugu baahinayey Idaacada BBC-da.
 
Gudiga Doorashooyinka ayaana Sidoo kale Wariyaha BBC-da ku Qiimeeyey in Wariyaha BBCdu uu Mucaaradka iyo Xisbigii talada hayeyba si Cadaalad ah Wararkooda ugu baahinayey Caalamka iyo Mandaqada, isla Markaana uu Mutaystay Axmed Siciid Cige shahaado sharaftan Qaaliga ah.
 
Ugu Danbaytiina Wariyaha BBC-da ee Hargaysa ayaa kamid ahaa Wariyaashii ka Soo Shaqayn jiray Idaacada Radio Muqdisho iyo Wakaaladii Wararka ee Somalia, Waxana uu Haatan si Rasmi ah uga shaqeeyaa Idaacada BBC-da Isagoona Wakiil uga ah Magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com