shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qiimaha IIBka Xoolaha oo Deegaanka Buhodle gaadhay Halkii ugu saraysa iyo dadka deegaanka oo soo dhaweeyey

(Buuhoodle,  September 04,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Lagu gudaha jiro todobaadkii ugu danbeeyey ee Bisha Barakaysan ee Ramadaanka ayaa guud ahaan Waxan haatan suuqyada sayladaha Xoolaha laga dareemayaa Qiimaha Xoolaha oo gaadhay halkii ugu saraysay iyo Gaadiid badan oo Xoolaha ka soo daabulaya dhulka sare ee Hawdka iyagoona Xoolahaasi ku Wada Dekadaha magaalooyinka Boosaaso iyo Barbara oo haatan ay ku Xidhan Yihiin Baraakiibta Qaada Xoolaha Nool oo iyagu ku sii Jeeda Wadanka saudiga iyo Imaaraadka oo Xoolaahasi loo baadulayo.
 
Qiimaha Neefka Xoolaha ah ee ahminka ah ayaa gaadhay lacag gaadhaysa 48$ Halka sayladaha magaalooyinka Bar bara iyo Boosaaso Qiimaha Neefka adiga ah gaadhay lacag dhan 58$ Waxana gabi ahaanba Xoolaha haatan deegaanku gaadhay Qiimahii ugu sareeyey Waxana Gaadiid badani ay Bilaabeen inay Xoolaha ka soo daabulayaa Dhulka sare ee Hawdka ah, halka Qiimaha Neefka Geeluna gaadhay lacag dhan 350$ doolar Waxan deegaanka laga dareemayaa Ganacsiga Xoolaha oo aad u sareeya.
 
Dhinaca kale Waxa aad u soo dhaweeyey Dhaq dhaqaaqa ganacsiga Xoolaha Guud ahaan dadka deegaanka oo aad iyagu ugu farxay inay mar uun iib u Helaan Xoolaha oo Mudo badan hakad ku Yimid IIbka Xoolaha oo laga Diiday Wadanka sucuudiga, balse uu dhawaan ku dhawaaqay inuu Xoolaha somalida Qaadanayo.
 
Cali dhagjar
Ceegaag.
Buhodle

 

webmaster@ceegaag.com