shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qarax Xoogan ayaa gowr dhaweyd gilgilay agagaarka Masjid Al-Rashiid ee Magaalada  Boosaaso.

(Boosaaso,  September 22,  2010 Ceegaag Online)

Magaalada Boosaaso ayaa saaka galinkii hore Waxa ka dhacay Qarax Xoogan oo siwayn looga maqlayey gabi ahaanab magaalada Boosaaso oo Qaraxsaai saaka gali gilay gudaha magaalada Boosaaso.

Qarax xoogan oo ah nooca dhulka hoostiisa la geliyo ayaa saaka ka dhacay agagaaraha Masjidka Alrashiid ee Boosaaso oo kuyaala gudaha magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolkaasi bari, Qaraxani ayaana Gaystay Dhimasho iyo Dhaawac soo gaadhay Ciidamo katirsan Laamaha amaanka magaalada Boosaaso, oo iyagu Qaraxaasi doonayey inay ka soo saaraan goobta lagu aasay balse uu Qaraxu uu halkaasi ka Qarxay.

Ugu yaraan Labo askarin oo katirsan Ciidamada amaanka magaalada Boosaaso ayaana Qaraxaasi ku dhintay Waxana kaloo ku dhaawacmay tiro kale oo taagnayd goobta uu Qaraxu Maanta kadhacay oo Wararka Qaarkood sheegayaan in dad rayid ah ku jiraan dadka dhaawacu soo gaadhay.

Qaraxyada iyo falalka amaandarada ah ayaa ku soo badanayey Mudooyinka magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolkaasi Bari Waxana Qaraxyada lagu laayay tiro badan oo katirsan Ciidanka amaanka magaalada Boosaaso iyo dadka shacabka ee ku nool Caasimada Ganacsiga ee maamulka Puntland.

www.ceegaag.com


webmaster@ceegaag.com