shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland Liberary and Resource Center ee Magaalda Garoowe ayaa Buugaag Deeqay Dugsiga sare ee Taleex
 

(Taleex,  September 24,  2010 Ceegaag Online)


Deeqdan Buugaagta ah oo ahayd 8 kartoon ayaa Ka Koobnayd Maadooyinka Asaasiga Ka ah iskuulada sare Sida Sayniska,Cilmiga Bulshada,Luqadaha,Caafimaadka,iyo Weliba Aqoon Guud, Waxana u Gudoomey
Dugsiga Sare ee Taleex Macalin Ismcaaciil Cabdi Xirsi oo Ka Tirsan Maamulka Sare ee Iskuulkaasi

Madaxa Libareeriga Garoowe Ibraahin Maxamed Ducaale oo erayo Dhawr Ka Yiri Goobtii Lagu Gudoonsiiyey dugsiga sare ee Taleex Buugaagta Ayaa Sheegay in Talaabadan Qayb Ka Tahay Barnaaminka Libareeriga ee Tayaynta iyo Kor u Qaadida Aqooneed ee Ardayda Puntland.

Waxana uu Ibraahin Ku darey In Ay Aqoonta Gayn Doonaan Meel Kasta oo Ay Gaari Karaan Islmarkaasina Diyaar U Yihiin Talaabo Kasta ee Hormarineed Dhanka Aqoonta iyo Waxbarshada Waxana u intaasi Raaciyey inay sii Wadayaan taageerada Waxbarashada.


Macalin Ismaaciil Cabdi Xirsi oo Isagu U Gudoomey Buugaagta Iskuulka Sare ee Taleeex Ayaa ugu Horayn Uga Mahadceliyey Madaxda Libareeriga Deeqdani Asagoona Ku Darey  In Buugtani Ay Si aad Ah ugu Baahnaayeen
Islamarkaana Ay Mudo badan  Baadi Goobayeen, isla markaana Wax ka bari doonaan Ardayda Degmada iyo Guud ahaanba Deegaankaba.

Ma Ahan Arintani Mid Ku Cusub Puntland Libarery Ayadoona Horey Sidaani oo Kale ay Buugaag Ugu Deeqeen Iskuulo Iyo Machadyo Ku Yaal Puntland, Waxana uu Yahay Hadafkooda Koowaad La Dagalaanka Jaahilnimada iyo
Cilmi Dhagoodka Iyo In La Suurta Geliyo Araday Ka Dhisan Dhamaan Dhinacyada Aqooneed.


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle
 


webmaster@ceegaag.com