shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo laga Bilaabay Degmada Ceegaag iyo Deegaanada Hoos yimaada.

(Ceegaag,  September 20,  2010 Ceegaag Online)

Degmada Ceegaag iyo Deegaano badan oo hoos yimaada Degmadaasi Ceegaag ayaa Waxaa laga Bilaabay ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha oo laga talaalayo Carruuta Da’doodu gaadhayso ugu yaraan 5 Waxana talaalkaasi loogu talagaya in la gaadhsiiyo Carruurta kunool degmooyinka Tuulooyinka iyo Dhulka Miyiga ahba oo La Gaadhsiiyey shaqaalaha Caafimaadka iyo Gaadiidkii Waday Talaalkaasi Cudurka Dabaysha.

Madax Talaalka WHO ee G/Cayn ayaa shabakada Wararka Ceegag.com u sheegay inay ugu baaqayso Dhamaan Waalidiinta iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada Reer Ceegaag inay ka Faadiidaystaan Maalmaha uu Talaalkani uu ka soconayo degmada Ceegaag isla Markaana la shaqeeyaan shaqaalaha Caafimaadka oo gacan ka siiyaan Talaalka inta uu soconayo.

Dhinaca Kale Degmada Buuhoodle ayaa sidoo kale laga Bilaabay oloaha Talaalka Cudurka Dabaysha ee Sanadka oo Ha'yadaha Kala ah WHO, UNICEF iyo shaqaalaha Caafimaadku iska Kaashanayaa Talaalkaasi Cudurka Dabaysha.

Cali Dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com