shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ogaysiis: Gudiga dugsi quraanka bilaa rugta ah ee magaalada Boston oo go'aamiyay in ilaa sabtidan lagu soo bixiyo min $100.00(Boqol Dollar) calaa qoys

(Boston,  September 15,  2010 Ceegaag Online)

Kadib shir dhinaca aalada Talefoonka ah oo ay isugu yimaaeen Gudigii lagu dhisay shirkii Axada ee ka dhacay masjid jaamaca Boston, ayaa waxa ay isla wada garteen in wiigan gacanta lagu soo dhigo dhaqaale lagu furdaamiyo hawlaha gudiga loo cimaamaday oo ay ugu horayso Diyaarinta rugta haatan gacanta lagu hayo.

Sidoo kale waxay gudigu ugu baaqayaan dhamaan walidiinta inay ka qayb qaataan mashruucan oo noqonaya mashrucii  ugu danbeeyay ee waalidiinta lagu waydiin doono dhaqaale dhaafsiisan kan ay ardaydoodu wax ku bartaan.

Gudigu waxay si toos ah hoosta uga xariiqeen inay sameeyaan rug aynu umadax banaan nahay si ay macalimiinta uga dul qaadaan culayskii ay kala kulmayeen goobaha aynu dulsaarka ku nahay.

Waxaan marlabaad ku baraarujinanaa waalidiinta inay ka baaqan labixda sadaqadan oo gudigu ku ogaanaso kalsonidii aad ku doorateen inay dhab idinka ahayd iyo in kale.

Gudiga dugsi quraanka bilaa rugta ah (Ilaahbaa mahad oo dhan iska leh)

webmaster@ceegaag.com