shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Munaasabada Maalinta Ciidul Fidrida oo siwayn looga Ciiday Magaalada Buuhoodle

(Buuhoodle,  September 10,  2010 Ceegaag Online)

Maanta oo ah maalin jimce ah ayaa waxaa isku soo beegmay labo ciidood oo kala ah ciidii jimcaha iyo ciidii sanadlaha ahayd ee Ciidul Fidri,waxaana inta badan ay si wada jira ah ugu ciideen muslimiinta caalamka ciida sanadkan Waxna Musaabadaha Maalinta Ciida siwayn looga Xusay gabi ahaan Adduunka oo dhan gaar ahaan gobolada Somalia oo Maanta siwayn looga Ciiday.
 
Magaalada Buuhoodle ayaa kamid ahayd Magaalooyinka Saaka Sida Wayn looga Ciida Waxana Boqolaal katirsan shacabka magaalada Buuhoodle Saaka Salaadii Ciidul figriga ku tukadeen garoonka Wayn ee kubada Cagta ee kuyaala Bartaha magaalada buuhoodle, halkaasi oo Salaada Ciidul figriga Culumada Deegaanka Buuhoodle Shacabka ku tujiyeen.
 
Musaasabada Ciida ayaana Waxa halmado ka soo Jeediyey Isimada gobolka Cayn oo ugu horayn Halkaasi kaga hadlay in laga shaqeeyo Guud ahaan Amaanka Deegaanka isla Markaana Dadka Wax isu Qabaa ay is Cafiyaan, iyagoona ka faaiidaysana Musaasabada Maalinta Ciida ah.
 
Magaalooyinka iyo degmooyinka ayaana saaka Siwayn looga Ciida Salaadii Ciidul figriga Waxana Salaada Ciidu ku soo dhamaatay Jawi farxadeed oo Musilimiitu Maanta si Wada jir ugu Ciideen Gabi ahaanba Gobolada Dalka Somalia, si khilkaaf la,aan ahna loo tukaday Salaadii Ciida ee Maanta.

 
Cali dhagjar
Ciid Mubaarag
Buhodle
 
 

webmaster@ceegaag.com