shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mudaharaad ka dhacay Burco kadib Markii jirdil loo gaystay Labo gabdhoo oo katirsan Beesha gabooyaha (Waraysi Suldaanka Beesha gabooyaha oo Xadhiga gabdhahaasi ka Hadlaya
 

(Burco,  September 25,  2010 Ceegaag Online)

Waraysigaasi Suldaan Daakir Xasan khaliif oo dhinacyo Badan taabanaya dhagayso

Magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi togdheer ayaa Waxa ka dhacay Mudaharaad Balaadhan oo gobolkaasi togdheer ay ka dhigeen Beesha gabooha oo kamid ah beelaha dega gobolada oo iyagu Mudaharaad Xoogan ka dhigay Gudaha magaalada Burco, Mudaharaadkaasi ayaa yimid kadib markii labo Gabdhood oo katirsan beesha gabooha lagu Xidhay Degmada Caynabo ee gobolka togdheer.


Mudaharaadkan oo ahaa mid ay dareenkooda ku muujinayaan bulshadaasi sida ay uga xun yihiin laba ka mid ah haweenka beeshaas muddo bil iyo dheeraad ah ku xidhnaa xabsiga ku yaalla magaalada Caynabo ee gobolka Saraar,kuwaasoo la sheegay in maxkamadda degmadaaasi caddaysay in dacwaddii lagu soo oogay dumarkaas waxba ka jirin,isla markaana
amartay in la siidaayo oo loo soo celiyo xorriyaddoodii,balse weli ku xidhan xabsiga magaaladaas Caynabo, gabdhahaasin ayaana lagu sameeyey Danbiyo ka baxsan shareecada islaamka loolana dhaqmi si aad u Xun.


Shabakada Wararka Ceegaag.com ayaana Arimahaasi Maanta ka Waraystay Suldaanka Beesha Gabooha Suldaan Daakir Xasan Khaliif oo Isagu Shabakada Wararka Ceegaag.com uga Waramaya Sabaha loo Xidhay gabdhaasi looguna Jidh dilay Magaalada Caynaba.



Waraysigaasi Suldaan Daakir Xasan khaliif oo dhinacyo Badan taabanaya ka dhagayso Shabakada Wararka Ceegaag.com.


Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle
 



 


webmaster@ceegaag.com