shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Maxamed Cabdi Axmed( Maxamed dhagawayne) oo kamid ahaa Culumada Deegaanka Widhwidh oo Caawa Lagu Dilay Boosaaso
 

(Boosaaso,  September 25,  2010 Ceegaag Online)


Wararka Hada Naga soo gaadhay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari ayaa ku soo Waramaya in Caawa Fiidkii goordhawayto Kooxo Hubaysani Toogasho ku Dileen Mid kamid ah Culumada Gobolada SSC oo lagu Magacaabi Jiray Marxuun Maxamed Cabdi Axmed( Maxamed dhagawayne) kana soo jeeda Deegaanka Buuhoodle gaar ahaan Degmada Widh Widh.


Marxuunkaasi Caawa la Dilay ayaa Waxa Toogtay Kooxo Hubaysan oo Wajiga soo Qariyey Waxayna Dil Caawa ugu gaysteen Gudaha Magaalada Boosaaso Caawa Fiidkii isagoona Xiligaasi ka baxay goob Farmasi kuyaalo Sida Ceegaag.com u sheegeen Qaarkamid ah Eheladiisa oo ku sugan magaalada Buuhoodle.

Lama Oga Sabaha Keenay Dilka Wadaadkani Waxase Warar Madaxbaana oo Ceegaag.com Heshay sheegaayaan in Marxuunka la Dilay Maalmahani Khudbado Wacdiya ka Jeedinayey Mid Kamid ah Misaajiyda Waa Wayn ee Kuyaala Magaalada Boosaaso, Waxana Dilkaasi kadib Boosaaso ka Bilaabay Baadhitaan Xoogan oo Ciidamadu Amaanku ka Wadaan gobolka.

Ceegaag.com
NEWS
 


webmaster@ceegaag.com