shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Malcaamada Daarul aytaam oo Maanta Buuhoodle Dib looga furay.

(Buuhoodle,  September 22,  2010 Ceegaag Online)

Daarul aytaam oo Buuhoodle dib looga furay kadib markii uu ku Yimid Hakad sababo dhaqaale awgeed, Daarul aytaam ayaana ka kooban Labo Qol Malcaamad ah oo ay dhigtaan ardayda Agoonta ah ee kunool gudaha Buuhoodle oo Tiradoodu gaadhayso ugu yaraan 51 arday oo Isugu jira Wiilal iyo Gabdhabo oo Agoon ah oo Iyagu Malcaamada Daarul aytaam ka Barta Waxbarashada Diiniga ah Waxana Agoontaasi Wax u dhiga hal macalin.

 

Dib u furitaanka Malcaamadaasi ayaa Haatan Waxa gacan ka Gaystay Jaaliyada Ustariliya ee deegaanka gobolka Cayn Waxayna Jaaliyadaasi Soo Direen lacag dhan 775$, Lacagtaasina ayaa lagu soo hagaajiyey Maamulka Malcaamada agoonta ee Daarul aytaan, Mana jiraan Cid Malcaamadaasi iyagu ka faalo Qaadatay gacan ku haynteeda Ardayda Agoonta ah.

Ugu Danbayntiina Waxaa laga Codsanayaa Dadka Muxsiniita ah inay ka Qayb Qaataan Kordhinta Dhismaha Malcaamada oo u baahan in lagu kordhiyo Labo Qol, Musqul Dayri Barkad iyo Mushaharada Macalimiinta Ardayda Wax u dhigay oo loo baahan yahay in ardayda Wax lagu baro.

Cali Dhagjar

Buuhoodle


webmaster@ceegaag.com