shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Magaalada Ceegaag iyo dhamaan Dunida Islaamka oo maanta si weyn looga Ciiday.

(Ceegaag,  September 10,  2010 Ceegaag Online)

Kadib markii Bisha habeenkii xalay laga arkay dhamaan Gobolada Dalka Soomaaliya iyo inta badan Dalalka Islaamka sida Saudi Arabia, Qatar, Kuwait, UAE, Yemen, iyo North Afrika ayaa waxaa si guud loogu dhawaaqay in ay tahay Ciid sidaasina waxaa ku Ciiday dad aad u fara badan oo ku dhaqan Labada Xaafadood ee ay ka koobantahay Magaalada Ceegaag.

Dadka kudhaqan Degmada Ceegaag ayaa waxa ay ku kala tukadeen salaadii Ciida Labada Masaajid ee Magaalada Ceegaag, salaadii Ciida kadib ayaa waxaa lagu arkayay suuqyada Magaalada Ceegaag Dadka oo isugu tahniyadeynaya Munaasabadda Ciida, Iyadoo dadweynaha Degmada Ceegaag  ay maanta wajiyadoodu ka muuqatay farxad.

Dhinaca kale Maanta waxaa si wayn looga Ciiday Munaasabadda CIIDUL FIDRIGA Magaalooyinka Waaweyn ee Somalia iyo Guud ahaanba Dunida Islaamka,  waxaa maanta si guud ahaan looga ciiday Magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Hargeysa, Laascaanod, Burco, badhan, Boosaaso, Gaalkacyo, ceerigaabo, Gobolada dhexe ee dalka iyo Jamhuuriyada Jabuuti.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com