shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jimciyada Iskaashiga Khayraadka oo Deeq Lacageed soo gaadhsiyay Buuhoodle iyo Widhwidh

(Buuhoodle,  September 05,  2010 Ceegaag Online)

Jamciyada Iskaashiga Khayraadka oo ay leeyhiin   haweenka Soomaaliyeed ee masjidka magaalada Copenhagen   dalka Denmark, waxay  ugu tabaruceen walaalahooda ku dhibaataysan Gobolka Cayn, lacag dhan 3000$ oo doolar lacagtaasi oo ay soo mariyeen jimciyada salaama ee gobolka sool ee magaalada laascaanood.

Waxaana Deeqdaasi inteeda badan lagu Qaybiyey magaalada Buuhoodle taasi oo dhan  77%, iyadoona lacagtaasi Qayb ahaan loo bixiyey cadaan Qaybna lacagtaasi raashin lagu Gaday oo ka faaiidaysteen Qoysas tiradoodu gaadhayso 310 Qoysas oo isugu jira, agoomo iyo dad furqa ah oo aan  Waxbna haysan, dadkaasi oo Deeqdaasi siwayn u soo dhaweeyey Wax ku oolka ah ee ku soo beegantahay todobaadkii ugu danbeeyey ee Bisha Ramadaanka.

Deeqdaasi kadib Waxay Qoysaskii loo Qaybiyey halkaasi Mahad Celin uga soo Jeediyey Walaalahooda u soo Gurmaday ugu duceeyey khayr aduun iyo Mid aakhiraba, Waxna kaloo Deeqdaasi la gaadhsiyey Qoys ku nool Degmada Widh Widh ee gobolka Cayn.

Ugu danbaytiina Muasada Salaama ugu mahad Celiyeen Walaalaha deeqdaasi Wax ku oolka ah Walaalahooda Dhibaataysan u soo aruurshay Waxana aanu leenahay ilaahay ha idinka abaal mariyo, dadaalka aad bilowdeen halkaasina ka sii Wada.

Cali dhagjar
Buuhoodle


 

webmaster@ceegaag.com