shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Isimo Cuqaal iyo Maamulka gobolka Cayn oo Maanta Booqday Goobta laga Qodayo Ceelka Biyaha oo laga gaadhay biyihii

(Buuhoodle,  September 20,  2010 Ceegaag Online)

Iyadoo Dhawaan Shirkada Dayax oo ah Shirkada Biyaha ka soo saartay Deegaanada SSC ay markale ka Bilowday Magaalada Buuhoodle Qodista Ceel Biyood ay ka Hirgalisay Dhinaca Bariga Magaalada Buhodle oo horay Halkaasi ugu yaalay Ceel haatan Dadwaynaha Deegaanka iyo Xooluhuna ay ka Cabaan Waxtar Badana u soo kordhiyey deegaanka Buuhoodle gabi ahaantiis ayaa shirkada Dayax Mar kale dhaawan bilowday Qodista Ceel labaad oo laga Hirgaliyey Duleedka Bariga Magaalada Buuhoodle.
 
Waxana Goobta Ceelkaasi laga Qodoyo Maanta Kormeer ku tagay Qaarkamid ah Isimada Deegaanka Buuhoodle oo kamid yahay Suldaan Siciid Cismaan Ali iyo Caaqil Maxamuud Xaaji Cumar Camay, Maamulka gobolka Cayn gaar ahaan Gudoomiyaha gobolka Cayn Xariir Maxamuud Axmed iyo Xubno kale oo katirsan Waxgaradka Deegaanka Buuhoodl.
 
Waxayna Goobtaasi laga Qodayo Ceelka Labaad kula Kulmeen Maamulka Shirkada Dayax Dr C/rashiid oo Warbixin ka siiyey Isimada Cuqaasha iyo Maamulka gobolka Cayn inuu Ceelku Marayo haatan 310 Mitir isla markaana laga Gaadhay biyo, halkaasina laga Sii Wado Ceelka Qodistiisa oo haatan ku Dhow gabo gabo.
 
Ugu Danbaytiina Waxgaradka Deegaanka Buuhoodle ayaa Halkaasi Mahad Balaadhan uga soo Jeediyey Maamulka shirkada Dayax oo aad ugu amaaneen Kaalinta Lixaad ka leh ee ka Ciyaartay Soo Saarista biyaha Deegaanka Buuhoodle oo deegaanka Haraad badani uu soo maray balse haatan laga Baxay Haraadkaasi, Waxayna ugu baaqeen in la taageero Shirkada Dayax oo laga leeyahay gobolada SSC.


 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle


webmaster@ceegaag.com