shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Jaamacda Nugaal oo la Kulmay ardayda Dugsiga sare ee Hawd secondary ee magaalada Buuhoodle.

(Buuhoodle,  September 13,  2010 Ceegaag Online)

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. C/risaaq Maxamed Aadan Lafoole oo Buuhoodle shalay soo gaadhay si uu ugu Kuur galo Xaalada Waxbarashada ee gobolka Cayn iyo Heerka ay Maanta Marayso ayaa Habeenimadii  Xalayto la Kulmay Ardaydii ka Qalin jabiyey Dugsiga sare ee Hawd Secondary School ee magaalada Buuhoodle, kadib Markii uu shalay la Kulmay Isimada, Cuqaasha, Waalidiinta iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada deegaanka Buuhoodle oo kala hadlay tayeynta iyo Dhiiri galinta Waxbarashada deegaanka Buuhoodle.

Kulanka ayaana Waxa ka soo Qayb galay dhamaan ardaydii ka Qalin jabisay Dugsiga sare ee Hawd secondary School oo Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal University Kala hadlayey Qaabkii ay uga sii Gubi lahaayeen Jaamacad ayna u Heli lahaayeen Waxbarasho tayeysan oo ay ku anfacaan Dadkooda iyo Deegaankooda.

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. Lafoole ayaan ku dheeraaday oo ardaydaasi uga sheegeeyey Dhibaatada loo soo maro Waxbarashada iyo Faaiidayda laga helo Waxana Gudoomiyaha Jamacada nugaal halkaasi kaga dhawaaqay inuu Ardayda ka Qali jabisay dugsiga Hawd secondary  inay Yimadaan Jaamacada Nugaal Waxana uu Gudoomiyaha Jaamacadu ardaydaasi ugu bishaareeyey in Maamulka iyo Macalimtiinta Jaamacadu soo dhawaynayaa isla markaana ka Heli doonaan taageero Waxbarasho.

Ugu danbaytiina Waxaa si farxad leh kusoo dhaweeyey Hadalka Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. C/risaaq Lafoole dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshada buuhoodle oo iyagu jecel Waxbarashada, gaar ahaan Waalidiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Cali dhagjar

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com