shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal oo la Kulmay Isimada G/Cayn, Maamulka Dugsiga sare ee Hawd, Waalidiinta iyo Culumada Buuhoodle.

(Buuhoodle,  September 12,  2010 Ceegaag Online)

Prof. C/risaaq Maxamed Aaden Lafoole Dhageyso

Sheekh Mukhtaar Dhageyso

Garaad Saleebaan Buraale Aaden Dhageyso

Suldaan Siciid Cismaan Cali Dhageyso

Magaalada Buuhodle Waxa Maanta ka dhacay kulan balaadhan oo lagu soo dhawaynayey Gudoomiyaha Jaamaca Nugaal Profaysar C/risaaq Maxamed Aadan (Lafoole) oo isagu soo gaadhay magaalada Buuhoodle si uu kulan ula Qaato Maamulka iyo ardayda Dugsiga Hawd secantray Iskuul ee magaalada buuhoodle oo iyagu dhawaan ardaydii Dugsigaasi imtixaanaadkii laga Keenay dhinaca Maamulka puntland ku Guulaysteen isla markaana kaalimo muhiin ah ka galeen imtixaanaadkaasi sanadkan.

Waxana kulankaasi ka soo Qayb galay Isimada Cuqaasha ganacsatada, iyo Maamulka Dugsiga sare ee Hawd secantaray school oo iyagu halkaasi aad ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Isimada iyo Waxgaradka Buuhoodle aad u soo dhaweeyeen safarkiisa Buuhoodle iyo imaanshiiyihiisa Xiligan deegaanka Buuhoodle iyo u guur galida Xaalada Waxbarashada ee buuhoodle, Waxana Halkaasi ka hadlay Maamulka Dugsiga sare ee Hawd secentry School oo sheegay inuu Iskuulku gaadhay Guul la taaban karo Muaddii yarad ee uu furnaa oo ardaydii ugu horaysan ee ka baxdaa gabi ahaanba ku guulaysteen imtixaankii laga Qaaday.

Muhiimada safarka Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal Prof. C/risaaq Maxamed Aadan ayaa ku saab sanaa sidii uu dhiiri galin u siin lahaa Ardaydii dhawaan ka baxday Dugsiga sare ee Hawd secantry school ee Buuhoodle oo iyagu Imtixaanaadkii sanadkan gabi ahaantooda ku baasay, isla markaana la doonayo in loo gudbiyo Heer Jamaacadeed, iyagoona ardaydaasi Qaarkood Helay Deeqo Waxbarasho oo Wadanka dibadiisa ah.

Gudoomiyaha Jaamacada Nugaal ayaana Waalidiinta Isimada Cuqaasha, iyo Maamulka Dugsiga sare ee Hawd Buuhoodle kala taliyey inaanay ku degdegin Jaamacadaha kuyaala Wadanka dibadiisa oo uu Gudoomiyaha Jaamacada nugaal sheegay in loo baahan yahay in afarta sano ee hore ay jaamacadaha Wadanka ka faaiidaystaan, Waxana uuna sheegay inay  Jaamacada Nugaal soo dhawaynayso ardaydaasi isla markaana heli doonaa Waxbarasho tayeysan.

Kulankaasi ayaana Waxaa khudbado ka soo Jeediyey Garaad Saleebaan Buraale Aadan, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Waalidiinta iyo Cuqaasha Buuhoodle oo iyagu aad u soo dhaweeyey talada iyo Xog Waranka uu siiyey gudoomiyaha Jaamaca Nugaal oo sheegay inuu garan istaagayo gabi ahaanba Waxbarashada deegaanka Buuhoodle loona baahan yahay dhiiri galin la siiyo ardayda Dugsiga sare Hawd secondary school. 



Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com