shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dufcadii ugu horaysay ee ka Qalin jabisa Dugsiga sare ee Hawd Secenrty oo saaka Xaflada balaadhan loo Qabtay

(Buuhoodle,  September 23,  2010 Ceegaag Online)

Xaflad Balaadhan ayaa saaka lagu Qabtay Xarunta Dugsiga Sare ee Hawd secentry School ee Magaalada Buuhoole oo ka soo Qayb galeen Maamulka gobolka Cayn Isimada Cuqaasha, Waalidiinta iyo Qaybaha kala Duwan ee Bulshada Buuhoodle ee Jecel Waxbarashada iyo Horumarka Deegaankaba,
Muhiimada loo Qaybtay Xafladaasi ayaa ahayd in Dadwaynaha gobolka Cayn loo soo badhigo Dufcadii ugu horaysay ee ka Qalin jabisaysay Dugsiga sare ee Hawd secenrty School.
 
 
Ugu horayna Waxaa Halkaasi ka Hadlay Maamulaha Dugsiga sare ee Hawd Secentry School Sh Mukhtaar Axmed Xaaji Faarax oo sheegay in Maanta Dugsigu gaadhay talaabooyin guul ah oo dhinaca Waxbarashada ah kadib furitaankii Dugsiga sanadii 2006 Xiligaasi oo Dugsiga la furay Hawd, Maanta ay ka Qalin jabiyeen Dufcadii ugu horaysa Waxana Maamulka iskuuku uu sheegay inay halkaasi ka sii Wadaan Tayeyta Waxbarashada iyo kor u Qaadistaba.
 
Ugu danbaytiina Waxa Xafladaasi ka Hadlay C/rashiid Jamac Biixi oo Kamid ah Masuuliyiinta Jaamacada Nugaal ee Xarunteedu tahay Magaalada Laascaanood Waxa uu halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaa ka Jaamacad ahaan ardayda ka baxday Dugsiga sare Hawd, Waxana uu Halkaasi kaga dhawaaqay inay ka taageerayaan Dhinaca Waxbarashada, Waxana kaloo halkaasi ka hadlay oo soo Xidhay Garaad C/laahi garaadsoofe oo ku dheeraaday Muhiimada Waxbarashadu leedahay, Culmo ganacsato Waalidiin ayaana ka hadlay goobta oo sheegay inay Maanta aad ugu faraxsan yihiin Ardayda qalin jabisay.


 
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
 


webmaster@ceegaag.com