shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Diyaarad ku soo dhacday Garoonka diyaaraha ee Magaalada Hargaysa.

(Hargeysa,  September 15,  2010 Ceegaag Online)

Garoonka Diyaaraha ee Cigaal International Ariport ayaa Waxa ku soo dhacday Mid kamid ah Diyaaraha ay leedahay ha,yada ICAO, oo kamid ah ha,yadaha samafalka ah ee ka Hawl gala Gudaha Wadanka somalia, isla markaana u kala gooshaysay gobolada Dalka somalia Xiligaasi uu shilka diyaaradu ku yimid.

Diyaaradaasi ayaa Waxa ku timid Cilad kadib Markii ay gabi ahaaba taayirada Diyaaradu ugu Bixi Waayeen dhabaha Diyaaraha ee Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargaysa ee Cigaal international ariport, Waxan diyaaradaasi ku soo dhacayday Qab kamid ah Garoonka diyaaraha ee magaalada Hargaysa.

Rakaabka Diyaaradaasi ayaa lagu Qiyaasay ugu yaraan 12  Ruuxi oo 7 kamid ahi yihiin Soomaali halka inta kala u dhasheen Wadanka talyaaniga, Mana jiraan Wax khasaaso ah oo soo gaadhay Shaqaalihii diyaaradaasi saarnaa, marka laga reebo khasaare xoogan oo soo gaadhay Diyaaradaasi oo haatan taala garoonka Magaalada Hargaysa.

Cali dhagjar
Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com