shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

 Dawlada Shariif Sheekh Axmed oo goobihii ay gacantaku haysay muqdisho ku wareejisay shirkad lagu magacaabo SKA

(Muqdisho,  Sep 03,  2010 Ceegaag Online)

Waxaamaanta si badheedha loo shaaciyay in dawlada  KMG ah ee Soomaaliya heshiis hantiboob ah  kula gashay shirkad shisheeye (KA Air Logistics) inay maamulaan ilihii ugu muhiim sanaa dhaqaalaha dalka ee dekada iyo garoonkii Muqdisho oo dawladu gacanta ku haysay.

Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagu kulan gaar ah la yeeshay madaxa shirkada SKA Air Logictics Mr. Douglas, iyadoo la sheegay in qodobada ay ku heshiiyeen ay ka mid tahay inay garoonka iyo Dekedda Muqdisho ay horumariso isla markaana u dhameystirto wixii ka dhiman.

Sidoo kale maamulka gudaha ee Dekedda iyo garoonka diyaaradaha ayaa la sheegayaa in shirkadda caalamiga ah SKA maamuli doonto, waxayna sidoo kale u madax bannaan tahay inay heshiisyo la gasho amaba iyadu hirgeliso ayna dalka keento dhammaanba qalabka ka maqan labada kaabe oo dowladdu ay si weyn ugu tiirsaneyd. Hadii uu heshiiskaasi taabo galo waa markii ugu horeysay oo shirkad shisheeye ay maamusho kaabayaasha dalka.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com