shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Dagaalkii Cagaare oo istaagay iyo khasaarihii ka dhashay dagaalkaasi Wararkii ugu dabeeyey

(Cagaare,  September 30,  2010 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaadhay deegaanka Cagaare oo Maalintii shalayto ahayd dagaal Xoogan oo sababay Dhimasho iyo dhaawac ku Dhexemaray Labo Beeleed oo ka soo kala Jeeda gobolka Mudug iyo Sool ayaa lagu soo Waramayaa Maanta in dagaalkaasi istaagay, Waxaana kaloo halkaasi ka jira Hub aruursi Xoogan oo ay Wadaan dhinacyadii dagaalamay Maalintii shalayto.
 
Dagaalka dhexmaray labadan sahan waxaa ka horeeyey Dil Toogasho ah oo dhawaan lagu dilay isla deegaanadaas Oday aad u da’weyn oo kasoo jeeday dhanka magaalada Burtinle, Waxaana todobaadyadii ka horeeyeyna halkaas ka dhacay dhowr weerar oo ay ka yimaadeen Dhaawacyo kaladuwan balse aysan cidna ku dhiman.
 
Inkastoo dagaalkii shalay lagu Dilay ugu yaraan afar Ruuxioo kasoo jeeda Beesha gobolka Sool kadib markii ay afka uga galeen Maleeshiyaad ka soo Jeeda gobolka Mudug oo iyagu Diyaar u ahaa, dagaalkaasi kadin Waxaa Magaalooyinka Gaaalkayo Garowe Buuhoodle, Laascaanood iyo Degmada Boocame ka Bilaabay olole Xoogan oo loogu jiro sidii dagaalkaasi loo Joojin lahaa.
 
Isimada Labada Dhinaca ayaana Maanta Talefoono ku Wada Xidhiidhay sida Ceegaag.com Caawa u sheegeen Qaarkamid ah Isimada SSC oo iyagu haatan Buuhoodle ku sugan Waxana Lagu Wadaa in Maalmaha soo socda Isimada labada garab iska arkaan Colaadan Ragaatay ee Labada beeleed oo Walaalaha ee isku haya Dhul daaqsimeed Halkaasi ku yaala.

 

Ali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 


webmaster@ceegaag.com