shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidanka Booliska ee gobolka Cayn oo Saxaafada u soo Bandhigay Goobihii la sheegay in laga Qabsaday

(Buuhoodle,  September 27,  2010 Ceegaag Online)

Ciidanka Booliska gobolka Cayn ayaa saaka Saxaafada u soo bandhigay Saldhigii shalayto isaga Horyimaadeen ay soo Weerareen Ciidamo ka socda SSC, oo Sheegay inay Saldhigaasi gacanta ku dhigeen Waxaana Maanta Warbaahinta loo soo badhigay saldhigaasi oo Ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan
 
Waxana Goobtaasi Saldhiga Saaka tagay Gudoomiyaha gobolka Cayn Saraakiil ka Socota Ciidamada Ciidamada Booliska gobolka Cayn iyo Masuuliyiin kale, Waxana Halkaasi Salaan kaga Qaateen Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Cayn, oo isagu Salaan kadib Saxafiyiinta u sheegay in Warkaasi yahay Mid been ah, Saldhiga haatan ku sugan Yihiin Ciidama Booliska gobolka Cayn.

Saldhigan ayaa u baahan Dayactir  iyo dhamaystir dhismayaashiisa ah, ee  aan u baahnayn xorayn madaama ay gacanta ku hayaan ciidamo deegaanka ahi.

 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle
 


 


webmaster@ceegaag.com