shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Ciidamada Booliska Burco oo Xabsiga dhigay ugu yaraan 10 Ruuxi oo lagu eedeeyey Alshabaab

(Burco,  September 04,  2010 Ceegaag Online)

Wararka laga helayo Magaalada Burco ee Xarunta gobolkaasi Togdheer ayaa ku soo Waramaya in Ciidamada Booliska ee Magaalada Burco ganacta ku soo dhigeen ugu yaraan 10 Ruuxi oo kamid ah Ganacstada gobolkaasi Togdheer oo Booliska magaalada Burco ku eedeeyey inay Xidhiidh la leeyihiin  Islaamiyiinta ka Dagaalameya Koonfurta Soomaliya gaar ahaan Kooxda Alshabaab inay Xidhiidh toos ah la leeyihiin raggaasi Boolisku maanta gacanta ku soo dhigay.
 
Ciidanka Booliska magaalada Burco ayaana 10 Ruuxi Soo Qab Qabtay Xaafadaha kala Duwan ee Magaalada Burco Waxna raggani Ciidamada amaanku gacanta ku soo dhigeen ku jira Qaarkamid ah Macalimiinta wax ka dhigay Dusiyada Waxbarashada ee magaalada Burco, waxna kaloo Ciidamadu ay saaka Xidheen Qaarkamid ah dadwaynaha Caadiga magaalada burco oo lagu Xidhiidhiyey kooxdaasi Alshabaab.
 
Gudoomiyaha gobolka Togdheer, Yaasin Maxamed Cabdi oo Warbaahinta la hadlaya ayaa sheegay in Raggaasi Ciidamadu soo Qabteen lagu tuhmay inay Xidhiidh la leeyihiin kooxaha ka dagaalamaya koonfurta somalia oo uu sheegay in aan loo ogolayn gobolka togdheer inay amaankiisa Wax u dhimaan, waxana uu intaasi raaciyey in Raggaasi lagu Wado baadhitaan Xoogan Booliskuna Su,aalo Waydiinayo
 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buhodle.

 

webmaster@ceegaag.com