shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Caaqil Cali Jaamac Shariif, ayaa loo doortay in uu noqdo Caaqilkii Afraad ee ay Yeelato Beesha Danwadaag Galbeed ee Khaalid Habarwaa tan iyo 1930-kii

(Qararo,  September 29,  2010 Ceegaag Online)

iyadoo caaqilka lagu doortay Magaalada Qararo 20-Sep-2010.


Kulan Ballaadhan oo qaban qaabadiisa muddo lagu soo jiray ayna ka soo qayb galeen wax garad iyo marti sharaf aad u fara badan oo kor u dhaafaya illaa 700 oo qof, kuwaasi oo ka kala yimi meelo kala duwan, ayaa ka qayb qaatay caleema saarka caaqilka.

Xafladda Caleema Saarka Caaqilka Ayaa lagu furay wacdi iyo aayado Quraan ah, waxaana loo guda galay hawsha caleema Saarka Caaqilka, waxaana meesha ka hadlay Wax garad aad u fara badan kuwaas oo ay ka mid ahaayeen. Xaaji Maxamed Cumar Gole iyo Odey Faandhe Jaamac Haaruun, iyo Cabdi Cumar X. Axmed.

Xaaji Maxamed Cumar GoleOo Hadalka Ugu Horreyn Bilaabay Ayaa ka sheekeeyey taariikhda Saldanadda Caaqilnimo ee Beesha Danwadaag Galbeed inta uu ku xasuusto, waxaana uu sheegay in Caaqil cali Jaamac Shariif Dhagacadde uu noqonayo Caaqilkii Afraad ee ay yeelato Beesh Danwadaag Galbeed ee Khaalid Habar-waa.

Odey Faandhe Jaamac Haaruun, ayaa isna lagu soo dhaweeyey Mic-rophone-ka , waxaana uu sheegay Odey Faandhe in Caaqil Cali Jaamac uu noqonayo Caaqilkii Ugu Da’da yaraa ee loo igmaday xilka caaqilnimo, waxaana uu sheegay in ay iyagu guddi ahaan ay garab taagan yihiin caaqilka ayna u fududayn doonaan hawlaha guddi ahaan looga baahdo, sababta ay u xusheena ay tahay in loo gartay inuu yahay nin ka soo bixi kara hawsha loo igmaday, waxaana uu kula dar daarmay in uu noqdo midkii Go’aan iyo Garasho Dheeraan yeesha, dulqaadna ku dara.

Odey Cabdi Cumar Xaaji Axmed,, ayaa isna ka mid ahaa Odayadii Goobta ka hadlay Waxaana uu sheegay Odey Cabdi Cumar, in ay ilaahay uga rajaynayaa caaqilka in uu u fududeeyo xilkaa ay u dhiibeen iyaguna ay ahaan doonaan kuwo garab istaaga caaqilka, iyadoo uu sheegay in Caaqil Cali Jaamac Ay sugayaan hawlo aad u fara badan kuwaasi oo looga baahan yahay in uu u istaago sidii uu uga qayb qaadan lahaa

Dadweyne aad u fara badan oo isugu jira Cuqaal Iyo Guurti, Ganacsadayaal iyo Culimaa’udiin ayaa madasha kahadlay waxaana ay kulligood ilaahay uga baryeen caaqilka in ilaahay uu u fududeeyo xilka, uuna noqdo midkii ku dhiqi lahaa Tolka daacad iyo Diin iyo Dul Wanaagsan.

Geba-Gebadii Xafladda ayaa waxaa goobta ka hadlay Caaqil Cali Jaamac Shariif Dhagacadde, Waxaa uu caaqilku ugu horreyn aad ugu mahad celiyey guddigii iyo dadkii ka soo shaqeeyey hawshan mudada soo socotay ee maanta wanaageedii iyo geba gebadeedii la joogo, wuxuuna codsaday Caaqilku in aan xilka keligii lagu sii deyn, isagoo sheegay in uu u baahan yahay maanta talooyin aad u fara badan si uu ugu dhaqo tolka Go’aan iyo Garasho dheer, waxaana uu ku soo gunaanaday hadalkiisii Duco.

Geba Gebadii Xafladda Ayaa waxaa lagu soo gunaanaday Alla Bari iyo Quraan akhris aad loo soo agaasimay, iyadoo dadkii Goobta isugu Yimina Duco Iyo Hambalyo Loo Jeediyey Caaqilka Iyo Guddigii Dooratayba iyo dadkii soo qaban qaabiyey hawshan aadka u ballaadhan..



Magacyada Odayaasha Ansixiyey Caaqilnimada Caaqil Cali Jaamac Shariif Dhagacadde.


1. Xaaji Mohamed Omer Golle

2. Dirays Saleebaan Ciise

3. Jaamac Ayax Jaamac

4. Abdi Ibraahin Nuur "Guulwade"

5. Yuusuf Jaamac Haaruun "Faandhe"

6. Mohamed Ismail Ibrahin "Dhakawe"

7. Ibraahin Yuusuf Ciise

8. Ali Salebaan "Xabadikentay"

9. Yuusuf  Aw Warsame

10. Cumar Cabdi Shide

11      Abdillaahi Jaamac Guutaale 

12.      Cabdi Cumar X. Axmed       

13.      Abdillahi Biixi Ducaale

14.      Mohamed Jama Cumar

15.      Caydiid Ahmed Guuleed

16.      Saleebaan Diiriyr Warfaa

17.      Ismaaciil Kaarshe Naleeye

18.      Ahmed Jama Ali "Micir"

19.      Mohamed  Hirsi Ali "Kulul"

20.      Xuseen Osman Jama

21.      Abdi Hogad Yuusuf

22.      Axmed Mohamed Hurre

23.      Mohamoud Sheikh Omer Hassan

24.      Carab Abdullahi  Mohamed

25.      Hussein Nuh Ali

26.      A/Karin Obsiiye Farah

27.      Ibraahin Nuh Ali

28.      Faacuul Obsiiye

29.      Hassan Farah Jama

30.      Hassan Osman Yusuf

31.       Jaamac Cabdi Mohamed "Fagadhe"

32.      Muxumud Jama Adan

33.      Ali  Mohamoud Abdi

34.      Abdillaahi  Jibriil Daahir

35.      Cawil Saleebaan Hassan

36.      Mohamed Adan Hiirad

37.      Mohamoud Ahmed Jibriil "Jagac"

38.      Farah Mohamed Jama

39.      Siciid  Abdi Maxamed

40.  Jama Saleiman X. Yusuf


www.ceegaag.com

 

webmaster@ceegaag.com