shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Yaa La Filaaya in uu Madaxweyne Shiikh Shariif u Magacaabo Raysal Wasaare?

(Muqdisho, October 11,  2010 Ceegaag Online)

Tan iyo markii uu is casilay raysal wasaarihii Somalia waxaa isa soo tarayey shaqsiyaadka daneynaya in ay buuxiyaan kaalintaa banaanatay ee wasiirka koowaad ee dawlada Somalia.

Jagada wasiirka koowaad ayaa ah mid miisan culus una baahan qof karti iyo aqoon u leh si dalka dhibaatada ku habsatay looga samata bixiyo.

Madaxweynaha Somalia ayaa xilligan ku hawlan xulida cidii buuxin lahayd kaalintaas kana soo bixi karta shuruudaha muhiimka ah ee laga doonayo masuulka doonaya in uu buuxiyo.

Yaa xilligan buuxin kara jagadaas badbaadin karana jirintaanka dawlada Somalia?

Waa Suaal ay is weydiinayaan aqoon yahanka soomaaliyeed ee daneynaya badbaadinta dalka Somalia?

Magacyo dhowr ah baa warbahainta Somalida la soo galiyey waxaase aad loo hadal haya dhinaca madaxtooyada in uu ugu cad cad yahay Mudane Maxamuud Cali Xaaji Xaashi oo haatan ah Madaxweynaha Hay’ada Sunrise oo ah hay’ad la shaqeysa Qaramada Midoobay, waxaan si kooban usheegi doonnaa shakhsiyadda Maxamuud Cali Xaaji Xaashi iyo wax yaabaha ugu waaweyn ee la filayo in uu ugu guulaysto kursiga raysal wasaaranimo.

 

Dadka Siyaasadda indha indheeya ayaa sheegaya in Madaxweyne shiikh Shariif uu maamulka Puntland kala tashan doono cidda raysal wasaare loo magacaabi doono, waxaa Intaba ka muhiimsan in uu yahay shakhsigaasi qof leh waayo aragnimo siyaasadeed iyo aqoon wax ku ool leh.

 

Waa Kuma Maxamuud Cali Xaaji Xaashi?

 

Maxamuud Cali X Xaashi Waa Aqoon yahan Somaliyeed khibradna u leh xalinta khilaafaadka dalalka ay colaaduhu aafeeyeen.

Maxamuud Cali Waxaa ka soo jeedaa qoys mudda badan ku soo jiray siyaasada Somalia, Awoowyadii ayaa ka mid ahaa ururkii SYL ee dhalinyey xoriyada Somalia.

Maxamuud waxaa uu leeyahay abtirsiinyo siyaasadeed,aabihii waxaa uu ahaa safiir, waxaana uu safiir ka soo noqday dalalka Midawgii Soofiyati,France,Italy,Kuwait iyo Senegal xiliyadii dawladii Dhexe ee Somalia.

Maxamuud Cali Xaashi Waxaa uu in ka badan Laabatan sano ka soo shaqeeyey xirfado kala duwan gaar ahaan laamaha gaarka ee Mareykanka,Qaramada Midoobay, Yurub iyo Afrika.

Ilaa iyo 1997 waxaa uu u shaqeynayey Qaramada Midoobay isagoo ka hawlgalay dalal badan oo ku yaala qaarada Afrika sidoo kalana ka soo shaqeeyey xarunta qaramada midoobay ee New York.

Xiligan waxaa uu yahay Madaxweynaha hay'ada Sunrise oo ka shaqeysa arimaha dhinaca hormarinta degaanka iyo dib u dhiska, Waxaana ay ka hawlgashaa dalalka ku yaala Harada Weyn (Great lakes Region) iyo Bartamaha Qaarada Afrika,waana hay’ad wada shaqeyn la leh Qaramada Midoobay.

Mr. Xaashi Waxaa uu la soo shaqeeyey Qaramada Midoobay gaar ahaan laamaha dhinaca hurumarka sida OCHA, iyo UNDP isagoo ka soo hawlgalay dalalka - Democratic Republic of Congo (DRC), the Republic of Congo (RoC), Rwanda, Central Africa Republic, Ghana, iyo Burundi.

Xilligii uu ka shaqeynayay dalka Congo ( RoC), waxaa uu ahaa madaxa xiriiriyaha Qaramada Midoobay waxaana uu talooyin siin jiray kooxda Qaramada Midoobay ee dalkaasi joogay, dhamaan laamaha Qaramada Midobay hoostaga,bankiga Aduunka iyo wakiilada laanta lacagta dunida ee (IMF).

Waxaa uu kala talin jiray istaratijada lagu xasilin karo iyo abaabulka khayaraadka. Waxaa uu sidoo kale qayb  weyn ka qaatay qaaran malaayiin doolar ah oo loo gurayey dib u dhiska dalalka Burundi,Rwanda DRC iyo Congo.

Ilaa iyo bishii January 2003, Mr. Xaashi waxaa uu ahaa xiririiyaha Qaramada Midoobay ee gobolada Jamhuuriyada Dimoqoraadiga Congo (DRC). Waxaana uu muddadaas la shaqeynayey xafiiska gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Shaqadiisuna ahayd hanaanka hawlaha Qaramada Midoobay isagoo wada shaqeyn la lahaa saraakiisha sar sare ee dawlada dalkaasi iyo Saraakiisha Ciidmaada Qaramada Midoobay.

Muddadii uu ka halwgalayey xarunta Qaramada Midobay, Waxaa uu Mr Xaashi door weyn ka qaatay dejinta hanaanka maamul ee laanta Qaramada Midoobay u qabislan Hormarinta (UNDP) gaar ahaan istaraatijideeda ku aadan qaarada Afrika .

Intuu ka hawlgalayey UNDP, MR Xaashi Waxaa uu ka shaqeeyey dalalka Ghana, DRC, iyo Central African Republic. Waxaana uu door weyn ka qaatay hanaanka nabad ku soo dabaalida dalka Central African Republic iyo barnaamijak lagu fadhiisinyey dhaqaalaha dalka Ghana.

Xiliyadii uu ka shaqeynayay dalalka Ghana iyo Central African Republic, Mr Xaashi Waxaa uu la soo shaqeeyey madaxweynaha, raysal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada dalalkaas isagoo kala talin jiray sidii ay u xalin lahaayeen dhibaatooyinka dalalkaa haystay.

Ka hor intuusan ku biirin Qaramada Midoobay, Mr. Xaashi Waxaa uu ka soo shaqeeyey Shirkad Latalin dhinaca Maamulka Caalimiga ee DMA, Washington, Waxaana ay shaqadiisu ahayd la talinta dhinacyada arimaha dawlad wanaaga,Warbaahinta,Isagaarsinta xiliga kala guurka iyo dimuqoraadiyeenta qaarada Afrika.

Macaamiishii uu talooyinka siiyey waxaa ka mid ah Madaxweynaha Dalka Angola iyo Madaxweynaha dalka Panama.

Maxamud A Xaashi Waxaa uu haystaa Shahaadada Masters of Arts degree oo ah xidhiidhka caalamiga isagoo ka qaatay Paul H. Nitze School of Advanced International Studies, at the Johns Hopkins
University, iyo Shahaadada BA oo ah Xidhiidhka Arimaha caalamka waxaana uu ka qaatay School of International Service, at American University, in Washington, DC. 

Mr Xaashi Waxaa uu ku hadlaa lix luuqadood oo ay ka mid yihiin French, English, Italian, Spanish, and Somali

Dalka Somalia ayaa u baahan qof aqoon u leh xalinta Dhibaatooyinka la degay dalka khibradna u leh sidii loo samata bixin lahaa dalka Somalia, Aqoon yahan badan oo ku sugan bariga Afrika ayaa talo ku bixiyey in Mr Xaashi uu ka soo bixi karo kaalintaas isla markaana kula taliyey Madaxweynaha Somalia Shiikh Shariif in uu magacaabo Mr xaashi maadama uu ka soo hawlgalay qayb weyna ka soo qaatay xalinta dalal ay dhibaatooyin ku habsadeen sida Somalia oo kale.

 

Waxaa uu ka soo shaqeeyey muddo ka badan labaatan sano Arimaha dib u dhiska iyo nabadeynta dawlada badan oo ku yaala Qaarada Afrika. Maxamuud waxaa uu ka mid yahay aqoon yahaynka daneynaya in ay la qaybsadaan dhibka shacabka Somaliyeed diyaarna u ah in uu aqoontiisa ku biiriyo xal u helida dhibka Somalia.

 

Nasoo Gaadshsiiyay: Moha Media Pro/Taleex.net

webmaster@ceegaag.com