shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xukuumada Maamulka Somaliland iyo Taliska Booliska oo soo bandhigay Hubkii iyo Waxyaabaha Qarxa oo farabadan

(Hargaysa, October 03,  2010 Ceegaag Online)

Ciidamada Amaanka ee Maamulka la magacbaxay Somaliland ayaa maanta soo bandhigay Hub badan oo isugujira Hoobiyeyaal,Qoryaha Baasuukayaasha ah,Bambooyinka Waaweyn ee dhulka lagu aaso & kuwo gacanta laga tuuro kuwaas oo ay kasoo qabqabteen Sadexda Magaalo ee ugu waaweyn maamulkaas islamarkaasna la qorsheynayey in lagu weeraro xarumo kaladuwan ee Maamulka somaliland ku leeyahay gobolada Maamulkaasi ka taliyo.
 
Soo bandhigitaankii Hubkaasi ayaa Waxaa goob joog ahaa Wasiirka Daakhiliga Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, wasiirka Warfaafinta Cabdulaahi Jaamac Cusmaan (Geeljire) iyo Taliyaha Booliska Mr. Cilmi Rooble Furreh (Kabaal)  warbaahinta u soo bandhigay hub, walxaha qaraxyada loo adeegsado iyo waxyaabo kale oo fulinta falal amni-darro lala damacsanaa, waxay sheegeen in waxyaabahan lagu qabtay hawgalo laga fuliyay magaalooyinka Hargeysa, Berbera iyo Burco. "Waxaanu isugu kiin yeedhnay (warbaahinta), waxa halkaa yaalaa waa wax wada tusaale ah oo uu Boolisku ku qabtay hawlgaladii cuslaa ee ay ku qabteen Burco iyo gobolada kale ee Maamulkaasi ka taliyo.
 
Dadwaynaha ku dhaqan gobolada Maamulka somaliland ka taliyo ayaa haatan Waxaa la soo Gudboonaaday Cabsi Xoogan oo dhinaca amaanka ah, Waxana labadii Bilood ee la soo dhaafay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo soo Wajahay Caqabado Xoogan oo dhinaca amaandaro ah oo gobolka hadhaysay,

 
Cali dhagjar
Ceegaag.com
Buuhoodle

 


webmaster@ceegaag.com