shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wiil Sadex Jir ah oo kaalma inooga  baahan hor illaah, Xanuun aan la'aqoon waxa uu yahay dartii.

(Buuhoodle, October 07,  2010 Ceegaag Online)

Miyiga Magaalada Xamar Lagu Xidh Waxaa Mudo Saddex sano ah ku Xanuunsanaya Cabdi Nuur Maxamed Cabdi Muuse Cawl oo ah Wiil Yare Xanuunkaasi oo Ilmaahaasi yar ku dhacay Xiligii uu dhashay Mudada intaasi Leegna ku Xanuunsanayey Dhulka Miyiga ah ee Kuyaala Magaalada Xamar Lagu Xidh oo Dhinaca Bariga ka Xigta Magaalada Buuhoodle.

Waalidka ilmahaasi dhalay ayaa Shabakada Wararka Ceegaag.com u sheegay in ilmaahaasi Xanuunsanayey Mudada intaasi Leeg gabi ahaanba uusan Helin daryeel Caafimaad oo Dibada ah, iyagoona Dhakhaatiirta Wadanka somalia u Noo sheegee in loo baahan yahay in Dibada dhakhar loogu Qaado, mana jiraan Wax dhaqaalo ah oo ilmahaasi Wadanka looga Qaadi karo isagoona ka dhashay Qoys danyar ah oo aan Waxba haysan.

Aabaha Dhalay ilmahaasi Maxamed Cabdi Muuse Cowl ayaa sheegay in gabi ahaanba ilmahaasi aanay ka soo Baxay Wax hadal ah isla markaana laga hayo dhamaan Qaybaha kala Duwan ee Jirka kana Codsanayo Muslimiinta islaamku inay u Fidiyaan gar gaar si ilamahaasi Wadanka dibadiisa loogu Qaado.

Waxaanad kala Xidhiidhi Kartaa Xawaalada Tawakal Buuhoodle Ama Talefoon Lanbarka 0025224986022 00 Xamar Lagu Xidh, u Kaalmee ilaahay ha Kuu Kaalmeeyee ilmahaasi yar oo Dhibaataysan

Ali dhagjar

Ceegaag.om

Buuhoodle

webmaster@ceegaag.com