shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Weerar Lagu Qaaday Xaruntii Dawlada Hoose ee Gaalkacyo Caawa Fiidkii

(Gaalkacayo, October 20,  2010 Ceegaag Online)

Wararka hada naga soo gaadhay Magaalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolkaasi Mudug ayaa Caawa ku soo Waramaya in Koox hubaysani Weerar ku Qaaday Xarunta dawlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo Weerarkaasi oo loo adeegsatay Gawaari laga soo Buuxiyey Waxyaabaha Qarxa isla markaana Gaadhigaasi Gudaha loo galiyey Xarunta Dawlada Hoose ee Degmada Gaalkacyo Weerarkaasi oo Caawa Dhaliyey Khasaare Dhimasho iyo Dhaawacba ah.
 
Ugu yaraana 5-Ruux ayaa ku dhaawacantay halka midkalena uu ku dhintay Weerarkaasi Caawa lagu Qaatay Xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Gaalkacyo, Waxaana kaloo Bur buri Xogani soo gaadhay Isla Xaruntaasi Caawa, Shabakada Wararka Ceegaag.com oo La Xiriirta Magaalada gaalkacvo ayaana Warar Madaxbanaani sheegayaan in Kooxdaasi aan gacanta Lagu Dhigin, isla markaana Ciidama amaanku gacanta ku soo dhigeen Gaadhigii Weerarkaasi loo adeegsaday oo ay ka carareen kooxdaasi.

 
Amaanka Guud ee Puntland ayaa Mudooyinkan si Xoogan looga danrinayaa Waxana gobolka ku soo badanaya Weerar Qorshaysan iyo Qaraxyo lala eeganayo Masuuliyiinta Dawlada, iyo Saraakiisha Maamulkaasi Lama oga Kooxahani Weerardani ka danbeeya.
 

 

webmaster@ceegaag.com